HomeWararDowladda Somalia oo ka codsatay dowladaha Carabta inay kordhiyaan taageero dhaqaale

Dowladda Somalia oo ka codsatay dowladaha Carabta inay kordhiyaan taageero dhaqaale

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa Baaqaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo lagu soo daabacay Wargeyska Maalinlaha ee Al-masry Al-yoom ee ka soo baxa caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Waxa uu Dowladdaha Carabta ku booriyey inay kordhiyaan Dhaqaalaha ay siiyaan DFS iyo in laga cafiyo Lacagaha daymaha ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa Baaqaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo lagu soo daabacay Wargeyska Maalinlaha ee Al-masry Al-yoom ee ka soo baxa caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Waxa uu Dowladdaha Carabta ku booriyey inay kordhiyaan Dhaqaalaha ay siiyaan DFS iyo in laga cafiyo Lacagaha daymaha ee ay ku leeyihiin qaar ka tirsan Dowladaha Carbeed.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey haddii ay Dowladaha Carabta ka cafiyeen Somalia lacagaha Daymaha ee lagu leeyahay waxa uu Wasiirku tilmaamay in Shirkii Maalgashiga Carbeed ee lagu qabtay caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut la bilaabay in Somalia laga cafiyo Daymaha ay Dowladaha Carabta ku leeyihiin.

Waxa uu Dowladaha Carabta mar kale ka codsaday in la dhaqan-geliyo Ballanqaadkii ay  Somalia uga cafin  lahaayeen Daymahaasi, isla markaana DFS  looga taageeri lahaa Ammaanka iyo Deganaanshaha dalka.

Wasiirka waxa kaloo wax laga weydiiyey haddii ay DFS ku qanacsan tahay Taageeradda Dowladdaha Craabta waxa uu soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Kuwayt ku qabanqaabinayso Shirweyne lagu tagaeerayo Nidaamka W/barashadda ee Somalia, iyadoo ay Shirkaasi gacan iskaashi ka geysanayaan Ururadda W/barashadda, Dhaqanka iyo Sayniska ee Ururka Carbeed (ALESCO) iyo dhigooda Ururka Islaamka ee (ISESCO).

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay rajeynayaan Taageero dheeraad oo ay ka helaan dalalka kale ee Carbeed xilliyadda soo socda.

Dhinaca kale, Wareysiga Khaaska ee uu Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad siiyey Wargeyska Maalinlaha ee Al-masry Al-yoom waxaa wax laga weydiiyey Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Masar, waxa uu xusay inuu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo, isla markaana ay Isbahaysi Caalami ka yihiin Dhacdooyinka ka jira Gobalka iyo Caalamka.

“Somalia waa dalka keliya ee Carbeed oo aan Masar u jarin Xiriirka Diplomaasiyadeed, markii ay Israel la saxiixdeen Heshiiskii Nabadda ee Camp David” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladaha Somalia iyo Masar dhawaan kala saxiixdeen Heshiis Is-faham ee dhinacyadda Tacliinta, Dhaqaalaha, Beeraha, Caafimaadka, Xannaanadda Xoolaha, Wershadaha, Canshuuraha iyo Gaadiidka Badda, isla markaana ay Dowladda Masar taageero muuqata ka geystaan Nidaamka Tacliinta ee Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts