HomeMaqalDhageyso:-Guddoomiyaha G/Banaadir oo si kulul uga hadlay Dil Maanta loo geystay Darawal...

Dhageyso:-Guddoomiyaha G/Banaadir oo si kulul uga hadlay Dil Maanta loo geystay Darawal Mooto Bajaaj

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa si adag u cambaareeyay falkii dilka loogu geystay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa wadayaasha Mooto Bajaajka, marxuumkaas oo maanta lagu dilay Degmada Waaberi.

Eng. Yariisow ayaa Hey’addaha Amniga faray in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horkeeno danbiile Maxamed Deeq Cabdi Aadan oo ka mid ah ciidamada ilaalada deegaanka Xamar oo asiga geystay falkaan dilka ah.

- Advertisement -

Waxa uu Duqa Muqdisho Tacsi u diray eheladii uu ka baxay marxuumkii la dilay, asigoona u balan qaaday in danbiilaha sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horkeeni doono.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu carabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadan doonin falalka nuucaan oo kale ah ee soo noq noqday muddooyinkaan danbe, asigoona xusay in uusan aqbali doonin in dhalinyaradeena shaqo abuurka sameystay ee bulshada u adeegaya in ay si micno darro ah ku dhintaan.

 

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories