HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii ballaaran uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay degmada Carmo ayaa waxaa Magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar kamid ah Goleyaasha Puntland iyo boqolaal kamid ah shacabka Magaalada Boosaaso. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii ballaaran uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay degmada Carmo ayaa waxaa Magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar kamid ah Goleyaasha Puntland iyo boqolaal kamid ah shacabka Magaalada Boosaaso.

- Advertisement -

Madxaweynaha ayaa meel fagaaro ah kula-hadlay shacabkii soo dhoweeyey, isagoona ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga gobolka, iskana kaashadaan sidii Boosaaso amnigeeda, horumarkeeda, bilicdeeda iyo wadajirkeedu taam u noqonlahaa.

“Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweynta ballaaran ee ay noo sameeyeen aniga iyo weftigayga maamulka gobolka, kan degmada iyo shacabka reer Boosaaso, runtii waxaa waxlaga xumaado ah in dad cadaystey dadkeena biri-magaydada ah inay horteena ku qashaan oo uu ugu danbeeyey Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo runtii ahaa Suldaan Qiime weyn ugu fadhiya bulshada Soomaaliyeed meel kastay joogaanba oo ka qayb qaadan jirey nabadda, ciddii falkaas geysatey iyo kuwii ka horeeyeyba ee lagu diley maareeyihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O iyo inta la mid ka ah ee ka shaqaynaayey horumarka wadankan, dadkii falay saasi ula jeedadoodu waxay ahayd nolosha Puntland inay gooyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories