HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Degmada Carmo ee Gobolka Bari

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Degmada Carmo ee Gobolka Bari

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa galabta loogu soo dhaweeyey degmada Carmo ee gobolka Bari. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa magaalada kusoo dhaweeyey maamulka degmada Carmo, kan gobolka Bari, qaar kamid ah Goleyaasha Puntland isimo, dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa galabta loogu soo dhaweeyey degmada Carmo ee gobolka Bari.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa magaalada kusoo dhaweeyey maamulka degmada Carmo, kan gobolka Bari, qaar kamid ah Goleyaasha Puntland isimo, dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo, waxaana uu Madaxweynaha Puntland uga Mahadceliyey shacabka reer Carmo soo dhoweynta ballaaran ee ay ku qaabileen isaga iyo wefti giisa.

- Advertisement -

“Runtii maanta waa maalin taariikhiya, waa maalin farxad aad u weyn, waa maalin aan malaynaayey inaan tanoo kale arko soo dhoweynta ballaaran ee magaalada Carmo u samaysay aniga iyo weftigayga, waxay muujinaysaa dowladnimo jacayl, waxay muujinaysaa diyaar garawgii in dalkani hore u dhaqaaqo, waxay muujinaysaa doonista dadka reer Carmo ee dowladdoodu inay taabagasho iyo sidii looga bixilahaa habacsanaanta dhacday.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa ciidamada qalabka sida meelkastay joogaan, siday marwalba ugu heelan yihiin inay nabadda iyo xasiloonida ka shaqeeyaan, socdaalkayagii Garoowe illaa iyo Carmo waxaa muuqanaysey inay har iyo habeen meel walba ka hawlgelayeen, iyadoo aynu ognahay duruurfta adag ee ay ku shaqaynayaan, waxaan balan qaadayaa in  ahmiyaddeeda koowaad, labaad iyo sadexaadba noqondoonto daryeelka ciidamada, sugidda amniga iyo horumarinta bulshada” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka reer Carmo ka balanqaaday in dowladdu ka qayb qaadanayso horumarinta degmadeeda, isagoona Madaxweynuhu cadeeyey in dib loo furidoono akademiyadda Booliska Soomaaliyeed ee Carmo.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland tan iyo intii la aas-aasay aanay jirin cadaw ka guulaystey.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehelinayaan qaar kamid ah goleyaasha Puntland iyo maamulka gobolka Bari ayaa xadhiga ka jaray xarun dalxiis oo lagu magacaabo Cosob oo laga hirgaliyey Carmo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts