HomeCaalamkaShan ka mid ah Muhaajiriintii la socotay Markabkii la afduubtay oo Xabsiga...

Shan ka mid ah Muhaajiriintii la socotay Markabkii la afduubtay oo Xabsiga la dhigay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciiddan ka tirsan Milliteriga Malta ayaa waxay xoog ku galeen Markabkaasi, iyagoo u itaal sheegtay dhowr ka mid ah Muhaajiriinta oo Kabtanka Markabkaasi u caga-jugleeyey, kuna khasbay inuu geeyo Malta. Markabkaasi oo ay la socdeen  108 Muhaajiriin oo ay ka mid ahaayeen 12 carruur iyo 19-haween waxa uu ku xirtay Dekedda magaalladda Senglea ee K/bari […]

- Advertisement -

Ciiddan ka tirsan Milliteriga Malta ayaa waxay xoog ku galeen Markabkaasi, iyagoo u itaal sheegtay dhowr ka mid ah Muhaajiriinta oo Kabtanka Markabkaasi u caga-jugleeyey, kuna khasbay inuu geeyo Malta.

Markabkaasi oo ay la socdeen  108 Muhaajiriin oo ay ka mid ahaayeen 12 carruur iyo 19-haween waxa uu ku xirtay Dekedda magaalladda Senglea ee K/bari ee dalka Malta, iyadoo Boliska lagu wareejiyey dhamaan Muhaajiriinta iyo shaqaalihii Markabka, si baaritaano loogu sameeyo.

- Advertisement -

5 ka mid ah Muhaajiriinta ayaa la arkayey iyagoo jeebadaysan oo la saarayo gaari ay Boliska Malta lahaayeen, halka Muhaajiriinta kale oo uu daal ka muuqday loo gudbiyey Xarun lagu soo dhaweeyo Qaxootiga, si baaritaan caafimaad loogu sameeyo.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inaan wax hub ah loo adeegsanin Afduubka Markabkaasi, balse, Shaqaalihii Markabka loo awood-sheegtay, laguna khasbay inay raacaan Amarka Shaqsiyaad ka tirsan Muhaajiriinta ka dambeyay afduubkaasi.

Dhinaca kale, weli lama shaacinin dalalka ay ka soo kala jeedaan Muhaajiriinta la socotay Markabkaasi.

- Advertisement -

Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Maatiyo Salfiini waxa uu Muhaajiriinta afduubatay Markabkaasi ku tilmaamay sidii Burcad-baddeed oo kale, wuxuuna sheegay inaysan ku soo xiran karin Dekedaha Talyaaniga.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories