HomeCaalamkaXamaas oo mar kale duqeeysay Koonfurta Israel

Xamaas oo mar kale duqeeysay Koonfurta Israel

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Diyaraadaha Dagaalka Isreal waxay xalay duqeeyeen Xarumo Milliteri oo ay Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Koonfurta Marinka Qasa. Idaacadda Radio of Al-aqsa ee magaalladda Qasa ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa Darooniska ee Isreal ay xalay duqeeyeen 3 Fariisin oo ku yaalla Deegaanka Khaan Yoonis ee Koonfurta Marinka Qasa, iyadoo u uburbur xooggan […]

- Advertisement -

Diyaraadaha Dagaalka Isreal waxay xalay duqeeyeen Xarumo Milliteri oo ay Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Koonfurta Marinka Qasa.

Idaacadda Radio of Al-aqsa ee magaalladda Qasa ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa Darooniska ee Isreal ay xalay duqeeyeen 3 Fariisin oo ku yaalla Deegaanka Khaan Yoonis ee Koonfurta Marinka Qasa, iyadoo u uburbur xooggan soo gaaray goobaha la duqeeyey.

- Advertisement -

Ilo dhinaca Caafimaadka ayaa sheegay inaysan cidna wax ku noqonin duqeymahaasi, balse uu dab ka kacay xarumaha la duqeeyey.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha XAMAAS waxay xalay Hoobiye ku duqeeyeen Koonfurta Israel, iyadoo Maamulka Golaha Gobalka Eshkol ee Isrel ay yeeriyeen Dayaaanka Digniinta, si ay dadka rayidka u galaan goobo ay kaga badbaadi karaan duqeymaha XAMAAS.

Duqeymaha ay Israel iyo XAMAAS isweydaarsadeen ayaa waxa uu imaanaya iyadoo ay Dowladda Masar heshiis xabbad-joojin ah kala dhex dhigtay labada dhinac.

- Advertisement -

Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Ururka Islaamik Jihaad,  Khadiir Xabiib waxa uu ku eedeeyey in dhinaca Israel doonaynin inay ku dhawaaqaan Xabbad-joojin, iyagoo ka baqanaya carro dadweyne, ka hor Doorashadda Barlamaanka ee Israel ka dhici doonta bisha soo socota ee April 9-da.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories