HomeCaalamka(Warbixin) Ra’iisul Wasaaraha New Zealand oo lagu casuumay inay qaadato Islaamka

(Warbixin) Ra’iisul Wasaaraha New Zealand oo lagu casuumay inay qaadato Islaamka

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Shabakadda Wararka Pakistan eethenews.com.pk waxay maanta oo ay taariikhdu tahay March 24 qortay in Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Jakinda Kate Laurell Ardern ay wada-hadal la yeelatay  Nin dhallinyaro Muslim ah, kaasi oo ku casuumay inay ku soo biirto ama qaadato Islaamka. Wada-hadalka dhex maray  Ra’isul-wasaaraha iyo ninka dhallinyarada Muslimka ah waxay dhaliyeen su’aalo xasaasi ah, haddii ay […]

- Advertisement -

Shabakadda Wararka Pakistan eethenews.com.pk waxay maanta oo ay taariikhdu tahay March 24 qortay in Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Jakinda Kate Laurell Ardern ay wada-hadal la yeelatay  Nin dhallinyaro Muslim ah, kaasi oo ku casuumay inay ku soo biirto ama qaadato Islaamka.

Wada-hadalka dhex maray  Ra’isul-wasaaraha iyo ninka dhallinyarada Muslimka ah waxay dhaliyeen su’aalo xasaasi ah, haddii ay doonaysop inay qaadato Islaamka.

- Advertisement -

Inkastoo ay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee dalka New Zealand taageero u muujiyeen Mujtamaca Muslimiinta, kadib, markii Weerarkii Argagixisadda ee lagu qaaday Masaajid ku taalla magaalladda Christchurch.

Balse,  Ra’isul-wasaare Jakinda Kate Laurell Ardern waxay Toogashadaai kadib ku guuleystay ammaan ay ka heshay dhamaan  Caalamka.

Durbadii uu dhacay Weerarkaasi kadib, waxay booqatay Masjidka, waxayna la kulantay qoysaskii ay dadka kaga geeriyoodeen Toogashadaasi.

- Advertisement -

Waxaa si buuxda Caalamka ugu ammaanay, iyadoo xiratay Xijaabka markii ay la kulmaysay Qoysaska Shahiidinta.

Wada-xaajoodka dhex maray Ninka dhallinyarada Muslimka ah iyo Ra’isul-wasaaraha waxa uu soo-jiidasho noqday, markii uu Ninka dhallinyarada ku casuumay inay qaadato Islaamka.

Ra’isul-wasaaraha si taxadar leh ayey u dhegeysatay, waxayna casuumaadiisa inay soo gasho Islaamka waxay kaga jawaabtay Dhoola-caddayn.

Waxa uu Ninkii Muslimka ahaa yiri “Xaqiiqdii waxa halkan I keenay waa Adiga. Waxaan oynayey maalin kasta saddexdii maalmood ee ugu dambaysay. Waxaan samaynayey Hal Duca oo ka timid Alle iyo inaan iraahdo waxaan doonayaa inay Hoggaamiyayaasha kale awoodaan inay eegaan Aqoontooda Hoggaamineed. Hal rabitaan ayaa ah inaan rajeynayo inaan hal maalin soo geli doontid Islaamka, waxaana rajeynayaan inaan wada ahaano Janada”.

Ra’isul-wasaaraha New Zealand waxay iyadana ku jawaabtay: “Islaamka waxa uu ku barayaa Aadminimadda, waxaana u malaynaa inaan Anigu haysto taasi”.

Si degdeg ah markii uu dhacay weerarkii Christchurch waxay Jakinda Kate Laurell Ardern u khudbaysay Barlamaanka, iyadoo Eraygii ugu horreeyey ee ay ku hadasho waxa uu ahaa: “Asalaamu Calaykum.

Waana markii ugu horreysay Taariikhda dalka New Zealand oo lagu casuumo Shiikh Muslim ah si uu u akhriyo Qur’aanka Kariimka.

Ra’isul-wasaaraha New Zealand waxay  mar kale booqatay magaalladda Christchurch, waxayna khudbad ka jeedisay Isku-soo-bax ballaaran oo lagu qabtay Barxadda Hagley Park, si ay u muujiso Fahamkeeda.

Waxay akhrisay Xadiis inta ay la hadlaysay Isku-soo-baxa Kumanaan qof oo new Zealander ah, kaasi oo ku aadanaa Xadiiskii Nebigeenna Muxumad Calayhi Salaatu Wasalaam ee micnihiisu ahaa in Muslimku yihiin sidii hal jir oo kale, oo haddii qeyb ka mid ah Jirka xanuunsado, inuu jirka oo dhan dareemayo xanuunkaasi”

 

Xigasho: thenews.com.pk

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories