HomeWararFaah faahin: Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas la maqlayo

Faah faahin: Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas la maqlayo

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo Goordhow lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha eek u taalla Isgoyska Jubba ee dhinaca degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxaana xigay rasaas xoogan oo halkaasi laga maqlay .

- Advertisement -

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi rag hubeysan ay gudaha u galeen,waxaana goobta ay qaraxyada ka dhaceen ku yaalla Maqaayado iyo Xarumo kale.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa haatan goobta kasoo daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in uu qaraxyada ay sababeen Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa ku sugan goobta,waxaana la xiray dhammaan wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories