HomeCaalamkaBaroordiiq loo sameeyay dadkii lagu dilay weerarkii ka dhacay Masjid ku yaalla...

Baroordiiq loo sameeyay dadkii lagu dilay weerarkii ka dhacay Masjid ku yaalla New Zealand

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dalka New Zealand ayaa laga baahiyay codka Aadaanka Salaadda, waxaana guud ahaan waddanka laga aamusay muddo 2 daqiiqo ah, si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo. Arrintan oo lagu beegay salaaddii khudbada ee maanta ayaa qeyb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad […]

- Advertisement -

Dalka New Zealand ayaa laga baahiyay codka Aadaanka Salaadda, waxaana guud ahaan waddanka laga aamusay muddo 2 daqiiqo ah, si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo.

Arrintan oo lagu beegay salaaddii khudbada ee maanta ayaa qeyb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii lasoo dhaafay.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroordiiqayay meel u dhow masaajidka Al-Noor oo ka mid ah labadii masjid ee dadka lagu laayay.

Imaam lagu magacaabo Gamal Fouda, oo salaaddii jimcada ee maanta tujiyay dadka ayaa yidhi: “Qalbiga ayaa naga jabay laakiin innaga oo dhan ma aynaan jabin”.

50 ruux oo muslimiin ah ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan 2 masaajid u geystay 15-kii bishan, xilli ay dadkaas ku guda jireen salaaddii jimcada, halka tobannaan qof oo kalena ay dhaawacmeen.

- Advertisement -

Brenton Tarrant, oo u dhashay dalka Australia ayaa loo maxkamadeynayaa inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in dacwado kale lagu soo oogo.

 

Maalintii khamiista ahayd ayey ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern amar ku bixisay in waddankeeda laga mamnuuco guud ahaan hubka u sameysan noocii uu ninkaas u isticmaalay weerarka.

Maxaa dhacay maanta oo Jimce ah?

Dad gaaraya kumannaan qof ayaa isugu tagay fagaare u dhow masjidka Al-Noor, si ay u xusaan Jimcada qaran ee kasoo wareegtay maalintii uu dhacay falkii lagu laayay dadka.

Aadaanka salaadda, oo muslimiinta loogu dhawaaqo si ay salaadda usoo xaadiraan ayaa laga baahiyay telefishinka iyo raadiyaha qaranka ee dalka New Zealand.

Waxaa la raaciyay 2 daqiiqo oo waddanka oo idil laga aamusay, si loo xuso muslimiintii ku dhintay toogashadii ka dhacday masaajidyada.

Khudbad ay xilligaas ka hor jeedisay Ms Ardern ayey ku tidhi: “New Zealand way idinla baroor diiqeysaa, kulligeen waxaan nahay mid”

Waxay tusaale ka dhigatay xadiis uu nabi Muxammad (csw) ku sheegay in dadka muslimiinta ah dhibka walaalahood soo gaara ay ka xanuunsadaan, ayna la mid yihiin sida qof ay jirkiisa meel ka mid ah xanuuneyso inta kale ee jirkiisa ka mid ahana ay dareemeyso.

 

Xigasho:-BBC Somalia

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories