HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo wafdi u diray deegaanada ay ka soo baxeen Ciidamada...

Madaxweyne Farmaajo oo wafdi u diray deegaanada ay ka soo baxeen Ciidamada Dowladda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo uu wafdi heer Wasiira ah u diray deegaano ka tirsan gobalka Sh/dhxe kuwaas oo saakay aroornimadii hore ay ka baxeen ciidamada dowladda Somalia. Masuuliyiintaan oo goordhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho waxaa hogaaminayo wasiirka amniha Maxamed Abuukar Islow Ducaale,wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Gelle iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo uu wafdi heer Wasiira ah u diray deegaano ka tirsan gobalka Sh/dhxe kuwaas oo saakay aroornimadii hore ay ka baxeen ciidamada dowladda Somalia.

Masuuliyiintaan oo goordhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho waxaa hogaaminayo wasiirka amniha Maxamed Abuukar Islow Ducaale,wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Gelle iyo Abaanduulaha ciidanka xogga dalka Odawaa Yuusuf Raage.

- Advertisement -

U jeedada halkaas loogu diray wefdigaan wasiirada ah waxa ay tahay in ay la kulmaan saraakiisha iyo ciidamada soo baneeyay furumaha dagaalka ee degmooyinka Mahadaay Balcad si ay waxa uga ogaadaan arrinta ku aadan cabashada dhinaca mushaaraadka ah ee ay qabaan.

Saakay ayay aheyd markii ciidamo fara badan oo ka tirsan milatariga Somalia ay iskaga soobaxeen fariisimo ay ku lahaayeen deegaano hoostaga Balcad oo ay ka mid tahay Haanshiiq,Qalimow iyo sidoo kale degmada Mahadaay waxaana qaarkood ay u soo ambabaxeen magaalada Muqdisho halka inta kalana ay ku suganyihiin degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts