HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo wafdi u diray deegaanada ay ka soo baxeen Ciidamada...

Madaxweyne Farmaajo oo wafdi u diray deegaanada ay ka soo baxeen Ciidamada Dowladda

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo uu wafdi heer Wasiira ah u diray deegaano ka tirsan gobalka Sh/dhxe kuwaas oo saakay aroornimadii hore ay ka baxeen ciidamada dowladda Somalia. Masuuliyiintaan oo goordhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho waxaa hogaaminayo wasiirka amniha Maxamed Abuukar Islow Ducaale,wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Gelle iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo uu wafdi heer Wasiira ah u diray deegaano ka tirsan gobalka Sh/dhxe kuwaas oo saakay aroornimadii hore ay ka baxeen ciidamada dowladda Somalia.

Masuuliyiintaan oo goordhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho waxaa hogaaminayo wasiirka amniha Maxamed Abuukar Islow Ducaale,wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Gelle iyo Abaanduulaha ciidanka xogga dalka Odawaa Yuusuf Raage.

- Advertisement -

U jeedada halkaas loogu diray wefdigaan wasiirada ah waxa ay tahay in ay la kulmaan saraakiisha iyo ciidamada soo baneeyay furumaha dagaalka ee degmooyinka Mahadaay Balcad si ay waxa uga ogaadaan arrinta ku aadan cabashada dhinaca mushaaraadka ah ee ay qabaan.

Saakay ayay aheyd markii ciidamo fara badan oo ka tirsan milatariga Somalia ay iskaga soobaxeen fariisimo ay ku lahaayeen deegaano hoostaga Balcad oo ay ka mid tahay Haanshiiq,Qalimow iyo sidoo kale degmada Mahadaay waxaana qaarkood ay u soo ambabaxeen magaalada Muqdisho halka inta kalana ay ku suganyihiin degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts