HomeCaalamkaDowladda Sweden oo magangelyo Qaxootinimo siinaysa Muslimiinta ku dhibaataysan gudaha Shiinaha

Dowladda Sweden oo magangelyo Qaxootinimo siinaysa Muslimiinta ku dhibaataysan gudaha Shiinaha

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Sida lagu soo daabacay WebPage-ka Hay’adda Socdaalka ee dalka Sweden waxay Dowladda ballan qaaday inay Qaxootinimo siinayso Muslimiinta ka imaanaya Gobalka Shinjiyaan ee dalka Shiinaha iyo xubnaha kale ee Muslimiinta laga tirada badan yahay.

Qoraalka lagu shaaciyey arrintaasi waxaa lagu sheegay inay dib u eegi doonaan Magangelyo-doonayaasha ka imaanaya Gobalkaasi una aqoonsan doonaan Qaxooti.

- Advertisement -

Codsiyadda Muslimiinta ku dhibaataysan Shiinaha waxaa la sheegay in si toos ah loo aqbali doono, isla markaana aan marnaba la masaafurin doonin.

Tallaabadaasi ayaa u muuqata inay Tusaale fiican u tahay dalalka kale ee Reer Galbeedka, si ay u qaabilaan dadka Muslimiinta ee lagu dhibaateeyo gudaha dalka Shiinaha.

Dhinaca kale, Warbixin ka soo baxday Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in ka badan hal million oo Muslimiint ah lagu hayo Xerooyin ku yaalla Shiinaha, lana mamnuucay in Diinta Islaamka lagu barto Gobalka Shiinjiyang.

- Advertisement -

Warbixin kale oo ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch soo saartay ayaa lagu sheegay inay Dowladda Shiinaha  qaaday Olole ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, isla markaana ay si xun ula dhaqanto Muslimiinta, oo loo geysto  Xarig-wadareed, jir-dil iyo tacadiyo kale.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories