HomeCaalamkaSawirro:-Nin Tusbixii ugu dheeraa Caalamka u sameeyey Madaxweyne Erdogan

Sawirro:-Nin Tusbixii ugu dheeraa Caalamka u sameeyey Madaxweyne Erdogan

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

C/llaahi Al-xaydar oo ku nool Degmadda  Barahmanabariya ee  dalka Bangaladesh ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan haddiyad ahaan ugu sameeyey Tusbax culayskiisu dhan yahay 67 kiilo iyo bar, dhererkiisuna dhan yahay 1.3 Kiilomitir. Inkaasi ayaa sheegay inay muddo 2 bilood ku qaadatay sidii uu u tixi lahaa Tusbaxaasi oo ka kooban 167,500 […]

- Advertisement -

C/llaahi Al-xaydar oo ku nool Degmadda  Barahmanabariya ee  dalka Bangaladesh ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan haddiyad ahaan ugu sameeyey Tusbax culayskiisu dhan yahay 67 kiilo iyo bar, dhererkiisuna dhan yahay 1.3 Kiilomitir.

Inkaasi ayaa sheegay inay muddo 2 bilood ku qaadatay sidii uu u tixi lahaa Tusbaxaasi oo ka kooban 167,500 oo mir ama xabbo oo ay midabkooda isugu jiraan cagaar, dahabi, madow iyo caddaan.

- Advertisement -

Qiimaha Guud ee Mirka lagu taxay Tusbaxaasi waxa uu dalka Bangaladesh ka joogaa 150,000 oo Lacagta laga isticmaalo dalkaasi ee TAKA oo u dhiganta  1,787 Dollarka Maraykanka.

Mar wax laga weydiiyey sababaha uu Tusbaxa ugu sameeyey Madaxweynaha Turkiga waxa uu  C/llaahi Al-xaydar sheegay inuu yahay Hoggaamiye u danqada Musslimiinta lagu dhibaateeyo Falastiin, Kashmiir, Mayanmar, Syria iyo Yemen

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu jecel yahay inuu dhegeysto marka uu Madaxweyne Erdogan codka macaan ku akhrinayo Qur’aanka Kariimka iyo masjidyadda waa weyn ee uu ka dhisay dalal ku yaalla Qaaradaha Europe iyo Asia.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories