HomeCaalamkaMilliteriga Pakistan oo toogtay Diyaarad basaas oo laga lahaa Hindiya

Milliteriga Pakistan oo toogtay Diyaarad basaas oo laga lahaa Hindiya

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Afhayeenka Milliteriga Pakistan, Jeneral Asif Qafuur ayaa sheegay inay soo rideen Diyaarad Drone ah oo shalay ku soo xad-gudbtay Hawada Gobalka kala qeybsan ee Jamu Kashmiir. Qoraal uu Afhayeenka soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Diyaaradaasi wax basaasta oo nooceedu ahaa Quadcopter lagu soo riday qeybta Rakhjikri oo ku teedsan Laynka Kontoroolka […]

- Advertisement -

Afhayeenka Milliteriga Pakistan, Jeneral Asif Qafuur ayaa sheegay inay soo rideen Diyaarad Drone ah oo shalay ku soo xad-gudbtay Hawada Gobalka kala qeybsan ee Jamu Kashmiir.

Qoraal uu Afhayeenka soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Diyaaradaasi wax basaasta oo nooceedu ahaa Quadcopter lagu soo riday qeybta Rakhjikri oo ku teedsan Laynka Kontoroolka ee labada dhinac, oo masaafo ahaan 150-mitir gudaha ugu jirta xuduudka Pakistan.

- Advertisement -

Milliteriga dalalka Pakistan iyo Hindiya waxa ka dhex aloosan xiisad dagaal, iyadoo bishii hore weerar Is-qarxin ah lagu dilay ugu yaraan 40 Askari oo Hindi ah oo ku sugnaa qeybta ay Hindiya ka maamulaan Gobalka lagu murunsan yahay ee Jamu Kashmiir.

Sidoo kale, Diyaarad Dagaal oo ay Ciiddanka Cirka Hindiya lahaayeen ayaa waxaa bishii hore lagu soo riday gudaha Pakistan, iyadoo Duuliyihii nolol lagu qabtay, waxaana maalmo kadib lagu wareejiyey Dowladda Hindiya.

Labada dowladood oo haysta Hubka nukliyeerka waxaa horey u dhex maray 3 dagaal sannadihii 1948-kii, 1965-tii iyo 1971-kii, iyadoo 2 ka mid ah dagaalladaasi ay ka dhaceen Gobalka Jamu Kashmiir eek ala qeybsan.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories