HomeWararSaraakiisha Danab oo sheegay in ay dileen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Saraakiisha Danab oo sheegay in ay dileen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose. Diyaaradaha Droneska Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday saldhig ay Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen degaanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

Diyaaradaha Droneska Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday saldhig ay Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

- Advertisement -

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen degaanka isla markaana ka fuliyay Howlgal qorsheysan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay  in howlgal qorsheysan lagu bur buriyay saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha degaanka Jilib Marko.

Saraakiisha Danab waxa ay xaqiijiyeen howlgalka lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo xilal muhiim ah ka haayay iyo ku dhawaad 22 dagalame oo ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Saraakiisha lagu dilay weerarka ayaa lagu kala magacabaa Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka shabellada Hoose iyo Maxamuud Abuu Xamza ayaa la sheegay inuu dhawaan kasoo laabtay dalka Siiriya.

Saraakiisha Danab waxa ay ugu dambeynti sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Afar gadiid ay Al-shabaab ku diyaariyeen walxaha qaraxa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts