HomeWararSaraakiisha Danab oo sheegay in ay dileen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Saraakiisha Danab oo sheegay in ay dileen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose. Diyaaradaha Droneska Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday saldhig ay Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen degaanka […]

- Advertisement -

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

Diyaaradaha Droneska Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday saldhig ay Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

- Advertisement -

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen degaanka isla markaana ka fuliyay Howlgal qorsheysan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay  in howlgal qorsheysan lagu bur buriyay saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha degaanka Jilib Marko.

Saraakiisha Danab waxa ay xaqiijiyeen howlgalka lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo xilal muhiim ah ka haayay iyo ku dhawaad 22 dagalame oo ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Saraakiisha lagu dilay weerarka ayaa lagu kala magacabaa Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka shabellada Hoose iyo Maxamuud Abuu Xamza ayaa la sheegay inuu dhawaan kasoo laabtay dalka Siiriya.

Saraakiisha Danab waxa ay ugu dambeynti sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Afar gadiid ay Al-shabaab ku diyaariyeen walxaha qaraxa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories