HomeMaqalDhageyso:-Madaxweyne Deni oo Digniin Adeg u diray dadka tacaddiyada u geysta Haweenka...

Dhageyso:-Madaxweyne Deni oo Digniin Adeg u diray dadka tacaddiyada u geysta Haweenka + Sawirro

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe. Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha Puntland, saraakiil ka socda Hay’addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiim ka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladdooda.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa tibaaxay in talaabo sharci ah laga qaadidoono cidwalba oo isku-dayda inay tacaddi u gaystaan haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, waxaana uu ku booriyey Madaxweynuhu haweenka inay ku dhiiradaan ka qayb noqoshada siyaasadda dalka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay falkii foosha xumaa ee lagu diley Suldaan Bashiir Muuse Koonte, isagoona ku amray laamaha amaanka in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo ciddii falkaasi geysatey, Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa mar labaad u tacsiyeeyey eheladii asxaabtii, qaraabadii iyo ummadda Soomaaliyeedba geerida Alle ha u naxariistee labada marxuum ee kala ah Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dastuurka DFS Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Suldaan Bashiir Muuse Koonte.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Deni kana Daawo Sawiradda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories