HomeWararXisbiga Wadajir oo war ka soo saaray Wadahadalkii dhex maray Madaxweynayaasha Somalia...

Xisbiga Wadajir oo war ka soo saaray Wadahadalkii dhex maray Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Kadib kulankii dhex maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya loogana hadlay khilaafka labada adal ayaa waxaa isi soo taraya walaaca xisbiyada Siyaasadda iyo siyaasiyiinta ay ka muujinayaan noxorka wadahadalkaas oo ay sheegeen in aysan dowladdu cadayn wixii sida dhabta ahaa looga hadlay. Warbaahinta Kenya iyo Itoobiya ayaa werisay in dhinacyadu ay ka hadleen muranka dhinaca badda […]

- Advertisement -

Kadib kulankii dhex maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya loogana hadlay khilaafka labada adal ayaa waxaa isi soo taraya walaaca xisbiyada Siyaasadda iyo siyaasiyiinta ay ka muujinayaan noxorka wadahadalkaas oo ay sheegeen in aysan dowladdu cadayn wixii sida dhabta ahaa looga hadlay.

Warbaahinta Kenya iyo Itoobiya ayaa werisay in dhinacyadu ay ka hadleen muranka dhinaca badda laakiin Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Warbaahinta ku sheegtay in kulanka kaliya looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrinta dibluomaasidadda,

- Advertisement -

Qoraalka uu soo saaray Xisbiga Wadajir ayaa u qornaa sidaan

“Xisbiga Wadajir wuxuu walaac xoog leh ka muujinyaa hannaanka uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ku maaraynayo khilaafka diblomaasiyadeed ee Dowladda Kenya iyo Soomaaliya ka dhex taagan.

Kulankii Nairobi ku dhexmaray 6/maarso/2019 hoggaamiyaasha Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya ayey madaxtooyada Soomaaliya sheegtay in uu ku koobnaa oo keli soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed, xalna laga gaaray khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhex taagnaa, iyada oo aan laga wada hadal xudduntii khilaafka.

- Advertisement -

Madaxtooyada Soomaaliya waxay si ula kac ah marin habaabin ugu samaysay shacabka Soomaaliyeed; sababtoo ah suuragal ma ahan in Kenya iyo Soomaaliya ay ka wada hadlaan arrimo uusan khilaaf ka jirin, kana gaabsadaan arrintii khilaafku ka dhashay!

Xisbiga Wadajir wuxuu horay u taageeray hoggaanka dowladda Soomaaliya mowqifkii ay ka qaadatay xallinta khilaafka, wuxuuna ugu baaqay in arrimaha masiiriga ee taabanaya aayaha dalka ku maarayso wadatashi iyo daahfurnaa si loo helo mowqif midaysan oo kalsooni gelin kara shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa muuqata in Hoggaanka dowladda uu dhegaha ka furaystay baaqyada qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xoogagga siyaasadda kaga imaanaya. Waxaan hoggaanka dowladda kula talineynaa in xalinta khilaafka u maraan diblomaasiyad xirfadaysan, iyagoo ilaalinaya midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed, waana in ay ka foojignaadaan hannaanka diblomaasiyadeed, mowqifka qaddiyadda iyo dhexdhexaadiyaha intaba.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories