HomeWararDowladaha Soomaaliya iyo Masar oo Maanta kulan Khaas ah yeelan doona

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo Maanta kulan Khaas ah yeelan doona

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Xilli ay Siyaasadda Mandiqadda u muuqato mid calawsan, isla markaana ay Dowladaha Ethiopia, Eritrea, Kenya iyo South Sudan yeelanayaan Isbahaysi aysan Somalia iyo Jabuuti xubno ka yihiin ayaa waxaa haatan socda dadaal lagu qiimeeynayo Issbahaysiyadaas saddex geesoodka ah.

Wararka aynu ka helayno caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa waxay sheegayaan in Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Somalia iyo Masar maanta yeelan doonaan Kulan Siyaasadeed lagu falaanqeyn doono Xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia iyo Dhaqdhaqaaqyadda Isbahaysiyadda Siyaasadda ee haatan ka socda Mandiqadda.

Warbaahinta dalka Msaar waxay sheegayaan in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Samiix Shukri uu maanta Xafiiska ku qaabili doono dhigiisa dalka Somalia, Axmed Ciise Cawad.

Kulanka labada Wasiir ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Eritrea iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia kulan saddex geesood ah ku yeesheen caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, halkaasi oo ay ku dhisteen Isbahaysi 3-geesood ah, kaasi oo u muuqda inuu meesha ka saaray Heshiiskii hore eeay Madaxda dalalka Somalia, Eritreria iyo Ethiopia sannadkii hore ku yeesheen caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Si kastab ha ahaatee, Isbahaysiyadda Siyaasadeed ee ay hor boodayaan Dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Kenya ayaa waxa uu ku soo beeegmay, iyadoo uu Somalia iyo Kenya ka dhexeeyo Khilaaf Siyaasadeed iyo Muranka ka dhashay Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay labadaasi dal ka wadaagaan Badweynta Hindiya.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories