HomeWararDowladaha Soomaaliya iyo Masar oo Maanta kulan Khaas ah yeelan doona

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo Maanta kulan Khaas ah yeelan doona

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Xilli ay Siyaasadda Mandiqadda u muuqato mid calawsan, isla markaana ay Dowladaha Ethiopia, Eritrea, Kenya iyo South Sudan yeelanayaan Isbahaysi aysan Somalia iyo Jabuuti xubno ka yihiin ayaa waxaa haatan socda dadaal lagu qiimeeynayo Issbahaysiyadaas saddex geesoodka ah. Wararka aynu ka helayno caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa waxay sheegayaan in Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xilli ay Siyaasadda Mandiqadda u muuqato mid calawsan, isla markaana ay Dowladaha Ethiopia, Eritrea, Kenya iyo South Sudan yeelanayaan Isbahaysi aysan Somalia iyo Jabuuti xubno ka yihiin ayaa waxaa haatan socda dadaal lagu qiimeeynayo Issbahaysiyadaas saddex geesoodka ah.

Wararka aynu ka helayno caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa waxay sheegayaan in Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Somalia iyo Masar maanta yeelan doonaan Kulan Siyaasadeed lagu falaanqeyn doono Xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia iyo Dhaqdhaqaaqyadda Isbahaysiyadda Siyaasadda ee haatan ka socda Mandiqadda.

- Advertisement -

Warbaahinta dalka Msaar waxay sheegayaan in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Samiix Shukri uu maanta Xafiiska ku qaabili doono dhigiisa dalka Somalia, Axmed Ciise Cawad.

Kulanka labada Wasiir ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Eritrea iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia kulan saddex geesood ah ku yeesheen caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, halkaasi oo ay ku dhisteen Isbahaysi 3-geesood ah, kaasi oo u muuqda inuu meesha ka saaray Heshiiskii hore eeay Madaxda dalalka Somalia, Eritreria iyo Ethiopia sannadkii hore ku yeesheen caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Si kastab ha ahaatee, Isbahaysiyadda Siyaasadeed ee ay hor boodayaan Dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Kenya ayaa waxa uu ku soo beeegmay, iyadoo uu Somalia iyo Kenya ka dhexeeyo Khilaaf Siyaasadeed iyo Muranka ka dhashay Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay labadaasi dal ka wadaagaan Badweynta Hindiya.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts