HomeCaalamkaDaawo:-Pakistan oo iska waabisay Markab dagaal oo laga lahaa Hindiya

Daawo:-Pakistan oo iska waabisay Markab dagaal oo laga lahaa Hindiya

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Afhayeenka Ciiddanka Badda ee dalka Pakistan ayaa lagu sheegay inay xalay ka hor-tageen Markab dagaal nooca Badda quusa ee GUJISKA uu ku soo gali lahaa  Xuduud-baddeedka ay la wadaagaan dalka Hindiya. Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inaysan wax rasaas ah ku ridin Markabkaasi, balse ay uga digeen inuu si degdeg ah uga baxo Xuduudka […]

- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Badda ee dalka Pakistan ayaa lagu sheegay inay xalay ka hor-tageen Markab dagaal nooca Badda quusa ee GUJISKA uu ku soo gali lahaa  Xuduud-baddeedka ay la wadaagaan dalka Hindiya.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inaysan wax rasaas ah ku ridin Markabkaasi, balse ay uga digeen inuu si degdeg ah uga baxo Xuduudka Badda ee Pakistan.

- Advertisement -

Waa Isku-daygii Labaad ee Markab laga leeyahay dalka Hindiya ee ay Ciiddanka Badad Pakistan iska waabiyaan tan iyo sannadkii 2016-kii.

Dhacdadaasi ayaa timid, hal toddobaad kadib, markii ay Ciiddanka Cirka Pakistan soo rideen Diyaarad Dagaal oo laga lahaa dalka Hindiya oo ku soo xad-gudubtay Hawada Pakistan.

Duuliyihii Diyaaradaasi oo nolol lagu qabtay waxaa dib loogu celiyey dalkisia, taasi oo looga hortegay  colaadda cusub oo dhex marta labadaasi dal ee haysta Hubka Nukliyeerka.

- Advertisement -

Hoos ka Daawo Muuqaalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories