HomeCaalamka5 ka tirsan Ciiddanka Hindiya oo lagu dilay Kashmiir

5 ka tirsan Ciiddanka Hindiya oo lagu dilay Kashmiir

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Iyadoo ay socdaan dadaalo hoos loogu dhigay Xiisadda Colaadeed ee u dhexeysa Milliteriga dalalka Pakistan iyo Hindiya, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ugu yaraan 7 qof lagu dilay Iska horimaad maalmihii la soo dhaafay ka dhacay qeybta Waqooyi ee Gobalka Kashmiir ee ay Dowladda Hindiya maamulaan. Iska horimaadkaasi oo bilowday Jimcihii la soo dhaafay […]

- Advertisement -

Iyadoo ay socdaan dadaalo hoos loogu dhigay Xiisadda Colaadeed ee u dhexeysa Milliteriga dalalka Pakistan iyo Hindiya, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ugu yaraan 7 qof lagu dilay Iska horimaad maalmihii la soo dhaafay ka dhacay qeybta Waqooyi ee Gobalka Kashmiir ee ay Dowladda Hindiya maamulaan.

Iska horimaadkaasi oo bilowday Jimcihii la soo dhaafay ilaa shalay oo Axad ahayd ayaa waxa uu u dhexeeyey Ciiddanka Hindiya iyo Dagaalamayaasha doonayaan inay madax-bannaani u helaan Gobalka Kashmiir ee ay kala maamulaan Pakistan iyo Hindiya.

- Advertisement -

Dagaalkaasi ayaa la sheegay inuu bilowday, kadib, markii ay Ciiddan Hindi ah isku gedaameen Tuullo ku taalla Deegaanka Handwara ee Gobalka Jamu-Kashmiir.

Iska horimaadkaasi oo aad u cuslaa waxaa la sheegay in lagu dilay 5 ka tirsan Boliska Hindiya, 2 Dagaalame iyo qof rayid ahaa.

Boliska Hindiya ka jooga Kashmiir waxay xaqiijiyeen in la dilay 2 Askari iyo 3 ka tirsan Ciiddanka Boliska ee u tababaran sida Milliteriga.

- Advertisement -

Iska horimaadkaasi ayaa la sheegay inuu daba-joogo falkii Is-qarxinta ee ay Dagaalamayaasha Kashmiir bishii hore 14-dii ku dileen  in ka badan 40 Askar Hindi ah.

Gobalka Jaamu-Kashmiir oo ay ku nool dad u badan Muslimiin ayaa waxa uu labo qeyb u kala qeybsanaa tan iyo sannadkii 1947-kii, iyadoo  Milliteriga Pakistan iyo kuwa Hindiya Gobalkaasi ku dagaalameen sannadkii 1948-dii, 1965-tii iyo 1971-kii.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories