HomeMaqalDhageyso:-Rag dilalka qorsheysan u qaabilsanaa Al-shabaab oo lagu soo bandhigay Muqdisho +...

Dhageyso:-Rag dilalka qorsheysan u qaabilsanaa Al-shabaab oo lagu soo bandhigay Muqdisho + Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Saldhiga Booliska Degmada Wadajir ayaa waxaa lagu soo bandhigay Saddex rag ah oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab,isla markaana u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee laga fuliyo degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley. Raggan ayaa inta aan la soo qaban qorsheenaayay dilka haweeyney kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka,kana tirsan […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Saldhiga Booliska Degmada Wadajir ayaa waxaa lagu soo bandhigay Saddex rag ah oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab,isla markaana u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee laga fuliyo degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.

Raggan ayaa inta aan la soo qaban qorsheenaayay dilka haweeyney kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka,kana tirsan ganacsatada qaadka ku iibisa beera Jaadka,taasi oo heysata 7-caruur ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Saddexdaan ragga ah ee ka tirsanaa Al-shabaab oo warbaahinta kula hadlay Saldhiga Degmada Wadajir ayaa sheegay in dilal kala duwan ay ka fuliyeen Xaafaddo ka tirsan ka tirsan Muqdisho gaar ahaan Suuqa weyn iyo agagaarka Isbitaal Madiina ee Gobolka Banaadir.

Maxamed C/laahi Maxamed “Tuulax” Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa laamaha amniga dowlada uga mahad celiyay sida wanaagsan ay gacanta ugu soo dhigeen ragii dilalka badan ka fuliyay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

 

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codadka Ragga la soo bandhigay ee Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories