HomeWararSawirro:-Guddoomiye Mursal oo ka qeyb galay Shir ka furmay Jordan kana jeediyay...

Sawirro:-Guddoomiye Mursal oo ka qeyb galay Shir ka furmay Jordan kana jeediyay Khudbad

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane;  Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan, ayaa qudbad ka jeediyay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta oo Shalay ka furmay Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan.

Mudane; Mursal, ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Boqorka iyo Shacabka Dalka Jordan oo shirka marti geliyay iyo sidoo kale Baarlamaanka Dalkaasi, wuxuuna ku dheeraaday xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo mida bulsho ee guud ahaan dalalka carabta Oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda Baarlamaanada Carabta in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan.

Mudane; Mursal, ayaa sidoo kale qudbaddiisa kaga hadlay xaaladda Dalka Falastiin iyo dhibaatooyinka degaannadooda ka jira, wuxuuna sheegay in ay yihiin Dad xaq u leh in ay yeeshaan Dowlad xarunteedu tahay Magaaladda Qudus.

Sidoo kale Wuxuu Dowladaha Carabta uga mahad celiyay dedaalka ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirra geliyay in ay sii wadaan taageeradooda si Dowladda Soomaaliyeed ay uga mira dhaliso horumarrada kala duwan ee ay ku tallaabsatay.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa qudbaddiisa kusoo gaba gabeeyay dhibaatooyinka kooxaha Argagixisada ah, wuxuuna madaxda shirka ka qeyb galeysa uu la wadaagay hagar-daamooyinka ay kooxaha nabad diidka ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qaraxyadii ugu dambeeyay ee ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo wajaho ciribtirka Malleeshiyaadka Argagixisada ah, iyadoo loo wajahayo hab kasta oo lagaga hortagi karo,  si Dalalka Carabta iyo  kuwa Gobolka oo dhan ay u noqdaan meelo ka caaggan nabad-diidka oo aysan gabbaad ka dhigan.

Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa muddada uu joogo Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan waxa uu halkaasi kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Wadankaasi iyo qaar ka mid ah Waddamada Carabta.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories