HomeMaqalDhageyso:-Maamulka Galmudug oo ka hadlay Ciidamadii la wareegay Madaxtooyadda Cadaado

Dhageyso:-Maamulka Galmudug oo ka hadlay Ciidamadii la wareegay Madaxtooyadda Cadaado

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Ciidamadii xalay la wareegay Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ay ku laheyd Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Maxamed Cabdi Aaadan Gaboobe oo ah Agaasimaha Madaxtooyadda Galmudug oo ku sugan Gaalkacyo lana hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Nasiibdaro ay tahay in Ciidamada 21-aad kuwa Danab iyo Nabadsugida ay weerar ku qaadaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Ciidamadii xalay la wareegay Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ay ku laheyd Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Maxamed Cabdi Aaadan Gaboobe oo ah Agaasimaha Madaxtooyadda Galmudug oo ku sugan Gaalkacyo lana hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Nasiibdaro ay tahay in Ciidamada 21-aad kuwa Danab iyo Nabadsugida ay weerar ku qaadaan Xaruntii hore ee Madaxtooyadda Galmudug ay ku laheyd Cadaado,halkaasi oo ay joogeen Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu sheegay Agaasimaha in Ciidamada halkaasi la wareegay sababta ay u qabsadeen Xarunta aan lagu soo wargelin maamulka Galmudug,isla markaana waxa uu sheegay in Ciidamada Danab ee joogay Gaalkacyo ay gurmad ahaan u aadeen Cadaado,iyagoona weerar kula wareegay Madaxtooyadda.

Isagoo sii hadlaayay ayaa waxa uu tilmaamay in dowlada Federaalka dooneyso ay fowdo ka abuurto deegaanada Galmudug,iyadoo xamar dadka shacabka ah lagu xasuuqayo,waxaa sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.

Ugu dambeyn Maxamed Cabdi Aaadan Gaboobe ayaa xusay in Dowlad Goboleedka Galmudug ay Ciidmada Daraawiishta amar ku siiyeen inay u diyaar Garoobaan la socodka Waxyaabaha ay dowladda Soomaaliya ka wado deegaanada maamulka Galmudug.

- Advertisement -

Ciidanka Nabadsugidda ee NISA iyo kuwa Danab ayaa xalay la wareegay gacan ku heynta Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ee ku taalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud,waxaana halkaasi muddooyinkii dambe gacanta ku haayay Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay tan iyo markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda maamulka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka Agaasimaha Madaxtooyadda Galmudug.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts