HomeWararQatar oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Soomaaliya

Qatar oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Soomaaliya

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xmaad Al-thaani ayaa ku dhawaaqay inay  Miisaaniyadda DFS ee sannadkan ku taageeri doonaan lacag  dhan 73 million oo Riyaalka Qatar oo u dhiganta 20 Milyan oo doollarka Mareykanka Amiirka waxa uu Yaboohaasi kaga dhawaaqay  Kulan uu Madaxweyne Farmaajo shalay galab kula yeeshay Qasriga Amiiri Diiwaani oo ku yaalla caasimadda dalkaasi […]

- Advertisement -

Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xmaad Al-thaani ayaa ku dhawaaqay inay  Miisaaniyadda DFS ee sannadkan ku taageeri doonaan lacag  dhan 73 million oo Riyaalka Qatar oo u dhiganta 20 Milyan oo doollarka Mareykanka

Amiirka waxa uu Yaboohaasi kaga dhawaaqay  Kulan uu Madaxweyne Farmaajo shalay galab kula yeeshay Qasriga Amiiri Diiwaani oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dooxa.

- Advertisement -

Amiirka Qatar  iyo Madaxweyne Farmaajo waxay kaloo kulankooda kaga wada haleen Xoojinta Xiriirka Wax-wada-qabsi ee labada dal iyo qaababka loo horumarin karo inay iska kaashadaan qeybaha kala duwan ee DhaqaalahaHorumarka, Amniga iyo Siyaasadda.

Kulankaasi waxaa kaloo dib loogu eegay Horumarka dalka Somalia, taasi oo dhabaha u xaartay inuu Amiirka Qatar taageero Dhaqaale ku bixiyo Miisaaniyadda DFS ee sannadkan 2019-ka.

Dhinaca kale, Kulanka Labada Hoggaamiye oo ay ka qeyb galeen tiro Wasiiro ka kala socday labada Dowladood waxaa looga hadlay Danaha Guud ee labada Waddan iyo Xaalaldaha Gobalka iyo kuwa Caalamiga.

- Advertisement -

Wafdiga Madaxweynaha DFS ku wehliya Safarka uu ku joogo dalka Qatar waxaa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Bayleh iyo Wasiirada Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda, Maryam Aweys Jaamac.

Si kastaba ha ahaatee,  waa safarkii 3-aad ee uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Qatar tan iyo markii Xilka Madaxweynaha loo doortay bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories