HomeCaalamkaQaar ka mid ah Garoomadda Diyaaradaha Pakistan iyo India oo la xiray

Qaar ka mid ah Garoomadda Diyaaradaha Pakistan iyo India oo la xiray

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dowladda Pakistan ayaa ku ddhawaaqday in la joojiyey dhammaan Duullimaadyaddi Gudaha iyo kuwa Caalamiga ee adeegsan jirey Garoomadda Diyaaradaha ee magaallooyinka Islamabaad, Lahore, Multan, Faysalabaad iyo  Sialkot. Dowladda waxay ku sababeysay go’aankaasi sababo dhinaca Ammaanka Diyaaradaha iyo Rakaabka, iyadoo ay Ciiddanka Cirka Pakistan ay ilaalo xooggan ka hayaan Hawada dalkaasi, si aysan uga hortagaan duqeymaha […]

- Advertisement -

Dowladda Pakistan ayaa ku ddhawaaqday in la joojiyey dhammaan Duullimaadyaddi Gudaha iyo kuwa Caalamiga ee adeegsan jirey Garoomadda Diyaaradaha ee magaallooyinka Islamabaad, Lahore, Multan, Faysalabaad iyo  Sialkot.

Dowladda waxay ku sababeysay go’aankaasi sababo dhinaca Ammaanka Diyaaradaha iyo Rakaabka, iyadoo ay Ciiddanka Cirka Pakistan ay ilaalo xooggan ka hayaan Hawada dalkaasi, si aysan uga hortagaan duqeymaha Diyaaradaha Dagaalka ee Hindiya.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in dhowr Garoon la xiray, iyadoo ay Ciiddanka Cirka si Ku-meel-gaar ah u adeegsan doonaan.

Garoomadda laga xiray Duullimaadyada Rayidka ayaa ku kala yaalla magaallooyinka Srinagar, Jammu, Leh, Amritsar iyo  Chandigarh

Milliteriga Pakistan iyo Hindiya waxaa maalintii labaad dhex marayo Dagaal, iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka Hindiya ay shalay duqeeyeen Saldhig Ciiddan oo ku yaalla gudaha Pakistan.

- Advertisement -

Xiisadda ayaana maanta taagan, iyadoo ay labada dhinac iska soo rideen Diyaarado Dagaal, sida ay kala sheegteen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories