HomeCaalamkaDadkii ka dambeeyay dilkii Gabar Soomaaliyeed loogu geystay Nairobi oo xabsiga la...

Dadkii ka dambeeyay dilkii Gabar Soomaaliyeed loogu geystay Nairobi oo xabsiga la dhigay

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Boliiska Dalka Kenya ayaa Afar Haween ah u taxaabay Xabsiga, kuwaas oo loo haysto kufsi iyo dil loo geystay Ismahaan C/salaam oo Maalmo ka hor ka dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi. Haweenka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Ismahaan Eeddadeed oo lagu Magacaabo, Nadiifo Maxamed, taas oo loo malaynayo in ay soo maleegtay […]

- Advertisement -

Boliiska Dalka Kenya ayaa Afar Haween ah u taxaabay Xabsiga, kuwaas oo loo haysto kufsi iyo dil loo geystay Ismahaan C/salaam oo Maalmo ka hor ka dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Haweenka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Ismahaan Eeddadeed oo lagu Magacaabo, Nadiifo Maxamed, taas oo loo malaynayo in ay soo maleegtay shirqoolka lagu dilay Gabadha.

- Advertisement -

Gabadhan oo kasoo jeedda Soomaaliya, ayaa kufsiga iyo Jir-dilka lagu sameeyay ka sokoow waxaa loo Isticmaalay Aashito, sida lagu daabacay Maanta oo Jimca ah Wargeyska The Star ee kasoo baxa Dalka Kenya.

Ismahaan C/salaam, oo ahayd 14 jir dhigata Fasalka Todobaad ee Dugsiga dhexe ayaa ku noolayd Guriga Eeddeadeed Nafiifa xilligii la kufsanayay, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul Insaanka u doodad ee Florence Kanyua.

Guriga ay ka tirsanayd Ismahaan, oo ay sidoo kale ku noolaayeen, Rag badan, Haween iyo Carruur ayaa dhalisay tuhumada la xiriirta in Gabadhan keligeen la kufsado, dabeetana la dilo, sida ay Boliisku sheegeen.

- Advertisement -

Waxa kale oo ay Boliisku shaki ka muujiyeen sababka keentay in la qariyo Meydka Gabadha oo la la’aa muddo Afar Cisho ka hor inta aan la helin Maalintii Sabtida.

Waxaa weli soconaya baarista Kiiska la xiriira Kufsiga iyo dilka Allaha u naxariistee Ismahaan C/Salaan, iyadoo Dadkii Gacanta ka geystayna la marin doono caddaaladda sida ay sheegeen Saraakiisha Boliiska Kenya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories