HomeMaqalDhageyso:-Dad loo soo qabtay Dilkii Gaalkacyo loogu geystay Caaisha Ilyaas

Dhageyso:-Dad loo soo qabtay Dilkii Gaalkacyo loogu geystay Caaisha Ilyaas

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu qabtay dad lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falka arxan darada ahaa ee halkaasi loogu geystay Caaisha Ilyaas Aadan. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in  falkii  kufsiga […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu qabtay dad lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falka arxan darada ahaa ee halkaasi loogu geystay Caaisha Ilyaas Aadan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in  falkii  kufsiga iyo dilka isugu jiray ee habeen kahor loo gesytay Caaisha Ilyaas oo 12 jir aheyd loo soo qabtay  afar qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka danbeeyeen falkaasi,isla markaana cadaalada la horkeeni doono.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Cabdulqaadir  in hadii kiiskaas uu ku cadaado afarta ruux ee lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyaan Goob fagaaro ah lagu toogan doono,waa sida uu hadalka u dhigay.

Iskuuladii ku yaallay Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta waxaa loo fasaxay dhibaatadii ku dhacday gabadhaasi awgeed,iyadoo halkaasi Maanta uu ka dhacay kulan looga hadlayay dhibaatada kufsiga.

Allaha u Nanariistee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa si xun loogu dilay Caaisha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12-sano jir,taasi oo la isugu daray fal kufsi iyo Dil ah.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories