HomeWararDowladda Kenya oo loo far muuqay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Soomaalida ee...

Dowladda Kenya oo loo far muuqay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Soomaalida ee Hantida…

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Majaariya  Kamaa’u waxa uu dhawaan soo saaray Qoraal  ballaaran oo ku aadan Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka, iyo tallaabadii ay ugu yeerteen Danjirahoodii u joogay Somalia, kuna soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi. Qoraa Kenyan oo lagu magacaabo Majaariya […]

- Advertisement -

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Majaariya  Kamaa’u waxa uu dhawaan soo saaray Qoraal  ballaaran oo ku aadan Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka, iyo tallaabadii ay ugu yeerteen Danjirahoodii u joogay Somalia, kuna soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi.

Qoraa Kenyan oo lagu magacaabo Majaariya Gaytho waxa uu ku tilmaamay Tallaabadii ay Kenya u xulatay Khilaafka Somalia ee Xuduud-baddeedka inuu ahaa mid aad caato u ahaa, loona baahnaa in si taxadir leh looga fekerayo xulashooyinka kale ama Tallaabooyinka kale ee fal-celinta ee laga qaadi lahaa Somalia.

- Advertisement -

Qoraagaasi oo ahaa Tifaftirihii hore ee Maamulka  iyo Mashaariicda Khaaska ee Wargeyska Daily Nation, Majaariya Gaytho waxa uu bishan 19-dii Maqaal dheer ku qoray Daily Nation, isagoo taxliil iyo is-barbar dhig ku sameeyey Go’aankii Dowladda Kenya ka qaatay Khilaafka Kenya iyo Tallaabooyin kale ee muhiimka ee loo baahnaa in culayska la saaro.

Waxa uu sheegay in xulashadda kale ee aan lagu xusin Warqadda Dowladda Kenya ka soo saartay Khilaafka Somalia tahay inuu dalka Kenya Soomaalida u tahay hoygoodii 2-aad ee Xafiisyadda Nidaamka Maamulka ee Saraakiisha Ururadda iyo Waaxyaha Dowladda Somalia.

Sidoo kalena ay Siyaasiyiin Sarsare, Shaqaalaha Dowladda iyo Saraakiisha Ciiddamadda Soomaalia ee guryaha qoysaska ku leh gudha Kenya.

- Advertisement -

Qoraagaasi waxa uu qormadisa ku sheegay inay maalgashi culus ku sameysteen Hanti-ma-guurto  iyo Ganacsi iyo inay Kenya u adeegsadaan sidii Dal  lagu qaado Lacagaha, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu sii raaciyey side cunaqabatayn loola beegsan karaa Shaqsiyaadkaasi, iyadoo arrintan ka maqan tahay ficilkii fal-celinta ee Dowladda Kenya u cuskatay Khilaafka Somalia.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories