HomeWararMadaxweyneyaasha Somalia iyo Burundi oo ku baaqay Shir Deg Deg ah

Madaxweyneyaasha Somalia iyo Burundi oo ku baaqay Shir Deg Deg ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Labada Madaxweyne oo shalay si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabtay caasimadda dalka Burundi ee Bujumbuura waxay ku baaqeen inay Dowladaha qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM isugu yimaadaan Shir Degdeg ah, si ay uga wada xaajoodaan qorshaha  bixitaanka 1,000 ka tirsan Askarta Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ka hor dhamaadka bishan Feberaayo. Madaxweynaha dalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Labada Madaxweyne oo shalay si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabtay caasimadda dalka Burundi ee Bujumbuura waxay ku baaqeen inay Dowladaha qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM isugu yimaadaan Shir Degdeg ah, si ay uga wada xaajoodaan qorshaha  bixitaanka 1,000 ka tirsan Askarta Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ka hor dhamaadka bishan Feberaayo.

Madaxweynaha dalka Burundi, Biyeer Nikurunziza waxa uu Saxaafadda u sheegay inay isaga iyo dhigiisa dalka Somalia ku heshiiyeen inay ku baaqaan Shirka Degdegga ee dalalka ay Ciiddanka ka joogaan Somalia, si dib loogu eego Go’aanka lagu dhimayo Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Faramaajo waxa uu isagana ku ammaanay Ciiddanka Burundi sida naf-hurnimadda ee ay uga shaqeynayaan Nabadda Somalia, isago oxusay inay Ciiddanka Burundi ka mid yihiin Ciiddamadii ugu horreeyey ee loo soo daad-gureeyey Somalia.

Dowladda Burundi waxay si xooggan uga soo horjeedaan dhimista Ciiddankooda, oo isha keliya ee  irmaanka u ah Lacagaha Qalaad ee dalkaasi, oo ay Dowladaha deeqaha bixiya  horey uga jareen tan iyo markii ay Xisiadaha Siyaasadeed ka qarxeen dalkaasi sannadkii 2015-kii.

Dowladda Burundi waxay afartii bilood mar ka helaan Ururka Midowga Afrika lacag dhan  18,000 oo Dollar oo ah Mushaaraadka Askartooda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ururka Midowga Afrika waxay si tartiib-tartiib ah u dhimayaan Ciiddanka AMISOM, iyagoo dabayaaqadii sannadkii hore shaaciyey in ay waajib tahay in ay Askarta Burundi laga daad-gureeyo Somalia dabayaaqadda bishan.

Ilo-wareed ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo la hadlay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay in mar hore la go’aamiyey magacyadda Askarta Burundi ee dib ugu laaban doona dalkooda hooyo, laga bilaabo bishan Feberaayo 21-da ilaa 26-da.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo aytiradoodu dhan tahay 5,400 Askari, waxaa intii ay joogeen Somalia looga dilay Ciiddan tiradooda u dhexeeyso 800 ilaa 1,000 Askari.

 

Xigasho: AFP

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts