HomeWararAskar ku dhaawacantay weerar ka dhacay Gobalka Hiiraan oo loo qaaday dalka...

Askar ku dhaawacantay weerar ka dhacay Gobalka Hiiraan oo loo qaaday dalka Jabuuti

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Qaar ka mid Askarta ciidanka Jabuuti ee shalay ku dhaawacmay weerar Madaafiic ah oo Alshabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidanka Hiil-walaal ee ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in manta loo duuliyay dalka Jabuuti si loo soo dabiibo. Weriyaha dalsan ee ku sugan gobalka ayaa soo sheegaya in diyaarad khaas […]

- Advertisement -

Qaar ka mid Askarta ciidanka Jabuuti ee shalay ku dhaawacmay weerar Madaafiic ah oo Alshabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidanka Hiil-walaal ee ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in manta loo duuliyay dalka Jabuuti si loo soo dabiibo.

Weriyaha dalsan ee ku sugan gobalka ayaa soo sheegaya in diyaarad khaas ah loo soo diray ciidamada qaba dhaawacyada culus isla markaana uu socdo daabulkooda,dhinaca kalana maamulka degmada iyo kan gobalka oo aan la hadlnay ayaa ka gaabsada in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

- Advertisement -

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar Madaafiic ahaa oo habeen hore lagu qaaday saldhiga ciidanka Jabuuti eek u yaal degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan iyada oo ilaa iyo haatan aysan ka hadlin arrintaan saraakiisha ciidanka Jabuuti iyo kuwa AMISOM.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories