HomeCaalamkaSawirro:-Dowladda Somalia oo dalab u dirtay Midowga Yurub & Jaamacadda Carabta

Sawirro:-Dowladda Somalia oo dalab u dirtay Midowga Yurub & Jaamacadda Carabta

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka qeybgalay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Brussels, ee dalka Belgium, 4 February ,  iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Wasiirro arrimo dibadeedyada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka qeybgalay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Brussels, ee dalka Belgium, 4 February ,  iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Wasiirro arrimo dibadeedyada Midowga Yurub.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimmadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wax wadaagga dhinac kasta leh ee u dhexeeya wadamada ku mideysan Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, isagoo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay samaysay horumar weyn, balse ay uga baahan tahay taageerro ku filan deeq bixiyeyaasha caalamiga si looga takhaluso caqabadaha kala duwan.

- Advertisement -

Shirka heer Wasiir ayaa diirradda lagu saarray dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatada Suuriya, xaaladda Yemen iyo Liibiya, arrimaha la xiriira socdaalka iyo muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashiga labada dhinac si nabadgelyo iyo xasillooni loogu soo dabaalo dunida, xalna loogu helo khilaafaadka caalamiga.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli loo gogol xaarayo Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee ay ku kulmaan Madaxda Wadamada Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta oo lagu qaban doono 24-25 Febraayo dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts