HomeCaalamkaImaaraadka iyo Malta oo si kulul ka hadlay dilkii Madixii Shirkadda DP...

Imaaraadka iyo Malta oo si kulul ka hadlay dilkii Madixii Shirkadda DP World ee Dekedda Bosaaso

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Malta  ayaa xaqiijisay geerida Muwaadin u dhashay dalkooda oo lagu magacaabo Paul Anthony Formosa, kaasi oo ahaa Madixii Shirkadda &O Ports ee hoos tagta Shirkadda  DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Malta ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socon doonaan dhacdadaasi, isla markaana ay shaacin doonaan wararka dheeraad ee ku aadan baaritaanka Dilkaasi.

- Advertisement -

Xisbiga Waddaniyadda ee dalka Malta waxa uu Dowladda dalkaasi ku booriyey inay xiriir la sameeyaan Muwaadiniinta kale ee Malta ee ku sugan gudaha Somalia iyo in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilkii Paul Anthony Formosa.

Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay Madixii Dekedda Bosaaso ay ku dhaawacmeen 3 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda DP World.

Hadal-qoraal oo ay Dowladda dalkaasi soo saartay ayaa lagu shegeay inay ka war dhowrayaan baaritaan haatan ay Maamulka Puntland ku hayaan dhacdadii dilka ee shalay ka dhacday Dekedda Bosaso.

- Advertisement -

Wararka ugu dambeeyey waxay sheegayaan in maydka Madixii Shirkadda &O Ports ee hoos tagta Shirkadda  DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso, Paul Anthony Formosa la filayo in maanta loo duuliyo dalka Imaaraadka Carabta, si loogu sii gudbiyo dalkiisa hooyo ee Malta.

Paul Anthony Formosa oo 52-jir ahaa waxa uu ka soo jeedaa magaalladda MARSASKALA ee dalka Malta, wuxuuna xilka Madixii Shirkadda P & O Ports ee magaalladda Bosaaso hayey tan iyo sanadkii 2017-kii

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories