HomeWararSawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta Daah-furay Dood Wadaag Muhiim ah

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta Daah-furay Dood Wadaag Muhiim ah

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta daah-furay dood wadaag u dhaxaysa ganacsatada iyo Dowladda oo looga hadlayay qorshaha xilliga dhaw iyo waqtiga fog ee dowlada Soomaaliyeed ay ka leedahay kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, ayaa sheegay in laga doonayo ka qayb galayaasha shirku in ay aad uga doodaan qaybaha muhiimka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta daah-furay dood wadaag u dhaxaysa ganacsatada iyo Dowladda oo looga hadlayay qorshaha xilliga dhaw iyo waqtiga fog ee dowlada Soomaaliyeed ay ka leedahay kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, ayaa sheegay in laga doonayo ka qayb galayaasha shirku in ay aad uga doodaan qaybaha muhiimka u ah horumarka ganacsiga iyo adkeynta xiriirka ganacsatada iyo Dowladda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad celiyay kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen dib-u-dhiska dalka iyo bixinta canshuuraha.

- Advertisement -

“Ganacsatada Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay waxa ay bixiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 27 sano, Sannadka soo socdana waxaan ka rajaynayaa inay intaas kasii badan doonto. Waxa ay suurtageliyeen in la bixiyo mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamda iyo in dunidu na aaminto oo si toos ah loo kabo miisaaniyaddeena. Guulahan waxaan ku gaarnay inaan la dagaallannay musuqmaasuqa”, ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Khayre.

“Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin, maxaan ahaan jirnay iyo maxaan hadda nahay ee laga hadlo maxaan noqon karnaa? Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin 30 sano ayaa naga luntay ee laga hadlo sidii aysan daqiiqad kale nooga lumi lahayn. Waxaan rajeynayaa in ganacsatadu aysan dowladda sugin oo ay aqbalaan in ay iyagu dowladda yihiin”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayr ayaa kulanka ka sheegay in sanadkii ina dhaafay kobaca dhaqaalaha dalkeenna lagu qiyaasay 2.3%, sanadkanna la filayo in uu kobacu gaaro 3-4%, sicir-bararkuna uu hoos u dhacay 6%, shirkadaha cusub ee is diiwaan geliyayna ay labalaabmeen, Rajo wanaagsanna ay muuqato.

- Advertisement -

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayna kasoo qeyb galeen ganacsatada Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socda Beesha caalamka ayaa laga filayaa in si gaar ah loogu lafa guro guulihii lagu gaaray iskaashiga u dhexeeya dawladda iyo hay’adaha kale ee gaarka loo leeyahay wixii ka dambeeyay madashii Lonodon, fursadaha iyo caqabadaha jira iyo in la isla garto meelaha ay tahay in si gaar ah muhiimadda loo siiyo si dhaqaalaha loo kobciyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts