HomeWararQarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wararka laga helayo duleedka Magalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka tareedisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi goordhow uu ka dhacay qarax khasaaro geystay. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya,waxana la sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka […]

- Advertisement -

Wararka laga helayo duleedka Magalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka tareedisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi goordhow uu ka dhacay qarax khasaaro geystay.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya,waxana la sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa oo wadada dhinaceeda lagu aasay ay ku geeriyoodeen Darawalkii waday Gaariga ay wateen Ciidamada Dowladda oo ahaa Surf iyo Darawal Mooto Bajaaj.

Qaraxa kadib ayaa waxaa Rasaas furay Ciidamadii qaraxa lala eegtay,waxaana la sheegay in rasaastaas ay dad ku dhaawacmeen,hayeeshee aan weli tirada la helin.

Waxaa hakad galay isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee Goobta uu qaraxa ka dhacay ee deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho,waxaana qaar ka mid ah dadka ku nool ay sheegeen inay cabsi dareemayaan.

Latest stories