HomeWararSawirro:-Ciidamada Dowladda oo kala dhexgalay Maleeshiyo Beeleed dagaalamay

Sawirro:-Ciidamada Dowladda oo kala dhexgalay Maleeshiyo Beeleed dagaalamay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Taliska  Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Howlgala Deegaanada Dawlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta ku baxay Deegaanka Hardis oo qiyaastii 25 KM Dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Balambal, kaasi oo dhowaan Dagaal uu ku dhexmaray Laba Maleeshiyo. Gaashaanle Dhexe C/qaadir Maxamed Cartan Taliyaha Howlgalada Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wakaaladda Wararka […]

- Advertisement -

Taliska  Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Howlgala Deegaanada Dawlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta ku baxay Deegaanka Hardis oo qiyaastii 25 KM Dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Balambal, kaasi oo dhowaan Dagaal uu ku dhexmaray Laba Maleeshiyo.

Gaashaanle Dhexe C/qaadir Maxamed Cartan Taliyaha Howlgalada Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u Xaqiijiyey in Ciidamadu Halkaasi ay ku bexeen, si ay u kala dhexgalaan Dadkii Deegaankaasi ku dagaalamay, ayna u xaliyaan dagaalkaasi.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray Gaashaanle Dhexe C/qaadir in Taliska Ciidanka Xoogga Dalku uu amray in Dadkaasi la kala dhexgalo, si Dagaal dambe uusan halkaasi uga dhicin.

Deegaanada Ciidamada Xoogga loo diray ayaa waxaa ku sugan Dad Reer Guuraa ah, kuwaasi oo Halkaasi ku dagaalamay, waxaana Dagaalka uu salka ku hayaa Aanooyin hore iyo Dhul daaqsimeed lagu murmay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories