HomeWararSawirro:-Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka iyo Bankiga aduunka oo ka wada hadlay...

Sawirro:-Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka iyo Bankiga aduunka oo ka wada hadlay arrimo Muhiim ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddiga Maaliyadda iyo Bankiga aduunka ayaa ka wada hadlay hormarinta dhaqaalaha dalka iyo ka faa’iideysiga fursadaha banaan. Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank). Guddiga iyo World Bank ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Xubnihii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Maaliyadda iyo Bankiga aduunka ayaa ka wada hadlay hormarinta dhaqaalaha dalka iyo ka faa’iideysiga fursadaha banaan.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank).

- Advertisement -

Guddiga iyo World Bank ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Xubnihii ka socday World Bank ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsaneyd fursadaha dhaqaale ee aduunka ka jira iyo sida Soomaaliya loogu faa’iideyn karo.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen barnaamijyada la xiriira hormarinta dhaqaalaha oo ay ka wadaan Soomaaliya, isbadalada dhaqaalaha ee sanadihii la soo dhaafay iyo fursadaha hada banaan.

- Advertisement -

” Soomaaliya waxa ay ku socotaa wado wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah, waxa soo jeedineynaa hadaan nahay World Bank in laga faa’iideysto fursadaha banaan oo wax badan oo dadaal ah la sameeyo, anaguna mar walbo wa idiin garab taaganahay”. ayuu yiri Hugh Riddell oo ka socday Bankiga aduunka.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa dhankooda la wadaagay shaqooyinka ay qabteen iyo howlaha uu guddigooda u xil saaran yahay.

Sidoo kale waxa ay la wadaageen waxyaabaha uu golaha shacabka u baahan yahay.

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka BJFS mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa sheegay in Bankiga aduunka wax badan ay ka taageeri doonaan golaha shacabka.

“ Xubnaha ka socday Bankiga aduunka wax badan ayaa maanta kawada hadalnay, waxaan ka codsanay iney mar walbo noo soo gudbiyaan warbixinada muhiimka ah si aan ula jaanqaadno caalamka, dhaqaalaha dalkana uu usii hormaro, waxay noo balan qaadeen iney wax badan naga caawin doonaan”. ayuu yiri guddoomiye Cali.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts