HomeWararArday heshay Deeq Waxbarasho oo Maanta ka dhooftay Dalka

Arday heshay Deeq Waxbarasho oo Maanta ka dhooftay Dalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ardaydan oo tira ahaan gaaraya 223-arday oo horey nasiib ugu soo yeeshay iney helaan deeq waxbarasho oo ay bixisay Dowladda Ethiopia ayaa 46 kamid ah ardaydaasi ay diyaarin doonaan Darajada labaad ee Waxbarashadooda Jaamacadda, iyadoo 177- Arday oo u baxaya heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda ay soo baran doonaan kulyado kala duwan oo ay kamid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ardaydan oo tira ahaan gaaraya 223-arday oo horey nasiib ugu soo yeeshay iney helaan deeq waxbarasho oo ay bixisay Dowladda Ethiopia ayaa 46 kamid ah ardaydaasi ay diyaarin doonaan Darajada labaad ee Waxbarashadooda Jaamacadda, iyadoo 177- Arday oo u baxaya heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda ay soo baran doonaan kulyado kala duwan oo ay kamid yihiin Caafimaadka, Beeraha iyo qeybo kale oo muhiim ah, iyaga oo tagi doona gobolo iyo magaalooyin kala duwan oo Dalka Ethiopia ah.

Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa oo kahadlayey munaasabadda lagu sagootinayey Ardayda ayaa sheegay in deeqdan waxbarasho ay la socdaan dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen ardayda.

- Advertisement -

Ardayda u baxaya deeqda waxbarasho oo ka kala yimid dhamaan deegaanada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa sheegay iney u mahad celinayaan Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia oo fursad u siiyey iney sii hormariyaan waxbarashadadooda, islamarkaana ay ka faaiideysan doonaan deeqdan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa tilmaamay in deeqdan ay ku timid saaxiibtinimada labada dal iyo heshiisyo horey loo wada gaaray.

Dowladda Ethiopia ayaa sanad waliba bixisa deeqo waxbarasho, kuwaas oo Dowladda Soomaaliya si cadaalad ah ay uga faaiideyso dhalinyarada Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts