HomeWararSawirro:-Duqa Muqdisho iyo dhiggiisa Magalada Boosaaso oo kulan yeeshay

Sawirro:-Duqa Muqdisho iyo dhiggiisa Magalada Boosaaso oo kulan yeeshay

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Boosaaso horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga. Eng.Yarisow ayaa tilmaamay […]

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Boosaaso horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga.

- Advertisement -

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Boosaaso ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dowladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka.

Dhankiisa, Duqa Boosaaso Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu.

Cabdisalaan ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa ka guddoomay dhiggiisa magaalada Boosaaso martiqaad rasmi ah oo ku saabsan in uu booqasho ku tago magaaladaas oo Xarun u ah Gobolka Bari, isagoona dhankiisa ugu hambalyeeyay Duqa Boosaaso, Kuxigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka magaalada Boosaaso doorashadii dhawaan lagu soo doortay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories