HomeWararSawirro:-Xildhibaanada Aqalka Sare oo kulan yeeshay

Sawirro:-Xildhibaanada Aqalka Sare oo kulan yeeshay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kalafadhiga 4-aad kullankiisa 2-aad ku yeeshay xarunta Golaha ayaa waxay warbixin akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka kaga dhageysteen Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Senator Ilyees Cali Xasan. Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha […]

- Advertisement -

Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka oo ka soo gudbay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hadda mudo 11-bilood ah horyaalo Golaha Aqalka sare mudadaasina Guddiga uu kullamo talo uruurin ah la yeeshay xubno metalayay Dowlad Gobolleedyada,Khubaro dhanka biyaha,sharciyaqaano iyo ururada Bulshada rayidka ah si ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Maalinta Axada ee soo socoto ayuu sheegay in Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaa Hindise sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka markaasi oo ay goob joog ka noqon doonaan Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in meel marinta sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana uu rajo wanaagsan ka muujinayo in maalinta axada xubnaha Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaan si loo dhaqan geliyo.

Sida uu qabo sharcigan, waxaa la dhisi doonaa hay’adda maareynta Kheyraadka Biyaha Qaranka oo mas’uul ka noqonaysa qorsheynta, maareynta, isticmaalka iyo ilaalinta kheyraadka biyaha. Waxaa uu sharcigu siinayaa awoodaha ay u baahan tahay si ay u fuliso waajibaadkeeda.

Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Bishii May ee sanadkan qabtay Kullan qorshihiisu ahaa dhageysiga Dadweynaha ee Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories