HomeCaalamkaQM oo soo dhaweeysay Heshiiskii Dowladaha Somalia iyo Eritrea ee Iskaashiga...

QM oo soo dhaweeysay Heshiiskii Dowladaha Somalia iyo Eritrea ee Iskaashiga Nabadda iyo Deganaanshaha Geeska Afrika.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Danjiraha Sweden u jooga Xarunta Dhexe ee QM, Ambassador Olof Skoog waxa u usheegay inay xubnaha Golaha Ammaanka QM soo dhaweeyeen War-murtiyeedkii ay Madaxweynayaasha Somalia iyo Eritrea ku sheegeen inay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan Nabadda iyo Deganaanshah Gobalka. Danjire Olof Skoog waxa uu sheegay in ay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Danjiraha Sweden u jooga Xarunta Dhexe ee QM, Ambassador Olof Skoog waxa u usheegay inay xubnaha Golaha Ammaanka QM soo dhaweeyeen War-murtiyeedkii ay Madaxweynayaasha Somalia iyo Eritrea ku sheegeen inay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan Nabadda iyo Deganaanshah Gobalka.

Danjire Olof Skoog waxa uu sheegay in ay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM yeesheen Kulan uu albaabaddui u xiraan, oo ay kaga wadatashadeen Arrimaha Somalia iyo Eritrea, wuxuuna xusay inay Golaha taageereen dadaalka Nabadda ee ka socda Geeska Afrika.

- Advertisement -

Danjiraha Sweden uga wakiilka ah QM, Ambassador Olof Skoog oo Suxufiyiinta la hadlay waxa uu carrabka ku dhuftay inay runtii wax Taariikhi ah tahay waxa ka dhacaya Geeska Afrika,  isla markaana ay QM taageeri doonto Geeddi-socodkaas wanaagsan.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay ka wada hadleen Xilli-kordhinta Hawlgalka AMISOM iyo codsiga Dowladda Ethiopia oo ku aadanaa in Eritrea laga qaado Cunaqabataynta Hubka ee ay QM ku soo rogtay dalkaasi.

- Advertisement -

Sannadkii 2009-kii ayey Golaha Ammaanka ee QM waxay cunaqabatayn dhinaca Hubka iyo Safarka ku soo rogeen Eritrea, kadib, markii lagu eedeeyey inay qeyb ka tahay Deganaansho La’aanta ka jirta dalalka deriska la ah, inkasta oo ay Dowladda Eritrea beenisay arrintaasi.

Sannadkii 2006-dii, Dowladdii KMG ee Somalia waxay ku eedeysay Eritrea inay Ciiddan iyo Hub u soo direen Dagaalamayaasha Alshabaab oo iyagu gacanta ku haya qeybo badan oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts