HomeCaalamkaAMISOM oo xilliga loo kordhiyey, loogana digay in xilli hore laga daad-gureeyo...

AMISOM oo xilliga loo kordhiyey, loogana digay in xilli hore laga daad-gureeyo Somalia

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay Kulan Khaas ah ka yeesheen Arrimaha Somalia iyo Xilli-u-kordhinta Hawlgalka AMISOM. Guddoomiyaha xilligan ee 15-ka xubnood ee Golahaasi, ahna Danjiraha joogtadda ee dalka Kazakhistan u fadhiya QM, Ambassador Kayrat Umaraov, wuxuuna ka digay in Ciiddanka AMISOM xilli hore laga daad-gureeyo Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan Ciiddanka Soomaalida haatan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay Kulan Khaas ah ka yeesheen Arrimaha Somalia iyo Xilli-u-kordhinta Hawlgalka AMISOM.

Guddoomiyaha xilligan ee 15-ka xubnood ee Golahaasi, ahna Danjiraha joogtadda ee dalka Kazakhistan u fadhiya QM, Ambassador Kayrat Umaraov, wuxuuna ka digay in Ciiddanka AMISOM xilli hore laga daad-gureeyo Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan Ciiddanka Soomaalida haatan diyaar u ahayn inay si buuxda ula wareegaan Mas’uuliyadda Ammaanka dalkooda.

- Advertisement -

Ambassador Kayrat Umaraov oo Madax ka ah Guddiga Golaha Ammaanka ee QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea, waxa kale oo uu sheegay inaan Somalia laga qaadi doonin Cunaqabatayntaasi, ilaa inta dalka Somalia laga hirgelinayo Isbedel dhinacyadda Siyaasadda iyo Ammaanka

Dhinaca kale, Golaha Ammanaka ee QM waxay xalay u codeeyeen in Xilliga loo kordhiyo Hawlgalka AMISOM, wuxuuna Goluhu sheegeen in Xilli-kordhintaasi ku ekaan doonto bisha May 31-da ee sannadka soo soccda ee 2019-ka.

- Advertisement -

Sidoo kale, Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay isku raaceen  Qaraar tirsigiisu yahay 2431, kaasi oo lagu dhimayo Tirada Ciiddanka labisan ee Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo tiradooda la gaarsiin doono 20,626 Askari marka la gaaro bisha Feberaayo 28-da ee sannadka soo socda ee 2019-ka.

Sidoo kale waxaa la dhimayaa Ciiddanka Boliska ee AMISOM, kuwaasi oo tiradooda lagu soo koobi doono 1,040 Askari marka la gaaro bisha Feberaayo 28-da ee sannadka soo socda ee 2019-ka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts