HomeCaalamkaJaalliyadda Eritreanka ku nool Somalia oo soo dhaweeyey Heshiiskii labada Dal.

Jaalliyadda Eritreanka ku nool Somalia oo soo dhaweeyey Heshiiskii labada Dal.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Sooyaalka Halganka Gobanima-doonkii dadka Soomaalida waxaa lagu xusuustaa inay dadka Reer Eritrea taageero lama illaabaan ka geysteen sidii ay dadka Soomaalida u heli lahaayeen Xorriyadooda. IBoqolaalqoys oo ka soo jeeda dalkaasi ayaana ku nool qeybo ka mid ah dalka Somalia, kuwaasi oo ay Awoowayaashooda ku noolaayeen Somalia muddo ka badan Hal Qarni. Inta badan Qoysaska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sooyaalka Halganka Gobanima-doonkii dadka Soomaalida waxaa lagu xusuustaa inay dadka Reer Eritrea taageero lama illaabaan ka geysteen sidii ay dadka Soomaalida u heli lahaayeen Xorriyadooda.

IBoqolaalqoys oo ka soo jeeda dalkaasi ayaana ku nool qeybo ka mid ah dalka Somalia, kuwaasi oo ay Awoowayaashooda ku noolaayeen Somalia muddo ka badan Hal Qarni.

- Advertisement -

Inta badan Qoysaska Eritrean-ka ee ku dhashay iyo kuwa xilli hore soo galay Somalia waxay ku nool yihiin Muqdisho iyo qeybo ka tirsan Goballadda Koonfurta Somalia, waxayna kaalin muuqata kaga jiraan Hawlaha Ganacsiga iyo Adeegyadda kale.

Waxay kaloo Hanti Ma-guurto ah (Guryo, Beero iyo goobo Ganacsi) ku leeyihiin  Muqdisho, Jowhar, Beled-weyne iyo magaallooyin kale.

Muwaadininiin badan oo Eritrean ah ayaana Xilal ka soo qabtay Somalia tan iyo xilligii Gumeysiga, waxayna Siyaasad ahaan Xilal ka soo qabteen Dowladihii Rayidka iyo tii Milliteriga ee Kacaanka.

- Advertisement -

Nabadoonka Guud ee Jaalliyadda Eritrean-ka ku nool Somalia, Caaqil Fikaak Cali Cumar oo aan la kulanay ayaa sheegay inay Jaalliyad ahaan soo dhaweynayaan Heshiiskii ay Madaxweynayaasha Somalia iyo Eritrea ku wada saxiixdeen magaalladda Asmara, taasi oo lagu sii xoojinayo Xiriirka Walaaltinimo ee soo-jireenka ah ee u dhexeeya dadka Soomaalida iyo Eritrean-ka.

Caaqilka waxa uu ammaanay Is-dhexgalka iyo Wada-noolashaha Labada Ummadood oo wadaaga Dhaqan ahaan, Diin ahaan, Wada Dhalasho iyo Derisnimo.

Caaqilka oo isaga ku dhashay Somalia waxa uu tilmaamay inay Dowladihii soo maray Somalia ay mudnaan ka heli jireen, isla markaana ay  jiraan Aqoonyahanoo, Saraakiil Milliteri iyo kuwo Rayid oo xilal kala duwan ka soo kala qabtay Dowladihii Rayidka ilaa Dowladdii Kacaanka ee Jaalle Siyaad.

Mar uu ka hadlayey Shaqsiyaadka asal ahaan ka soo jeeda Eritrea ee Xilalka muhiimka ka soo qabtay Hay’addaha Dowladihii hore ee Somalia waxa uusheegay inay ka mid ahaayeen:1-Sheekh Nuur Xuseein oo lagu xasuusto inuu ahaa Halgamaagii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ugu deeqay Dhismo uu lahaa xilliga uu socday Halgankii ka dhanka ahaa Gumeystihii Talyaaniga.

Sheekh Nuur waxa kale oo lagu xusuustaa waxa uu ka mid ahaa Aqoonyahanadii wax ka qortay Dastuurkii hore ee Somalia xiligii Daakhiliga ee Somalia la gaarsiinaayay gobonimada.

2- Kolonel Ismaaciil Maxamuud Ibraahim waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladii hore ee Somalia, waxa uuna wakhtigii ugu danbeeyay ahaa ee Dowladdii Kacaanka ahaa Guddoomiyihii Gobalka Mudug.

3- Kolonel Xassan Suleyman oo ahaa  Guddoomiyihii Cilmi baarista Milliteriga Dowladii hore ee Somalia.

4- Kolonel Ahmed Mohamed Mussa oo ka tirsanaa Maxkamaddii Sare ee Milliteriga ee Dowladdii Kacaanka ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

5- Kolonel Cukash Taliyihii hore ee saadka bele-dogle

6- Engineer Xagos Maxamed Sheekh oo ahaa Duuliye hore iyo Injineerkii Diyaaradaha dagaalka ee Ciiddankii Cirka ee Somalia.

7- Xussen Nagash oo ahaa Xisaabiyihii iyo Khasnajiga Dekadda Xamar.

8- Qareen Xasan Saciid Hassan Balaleti.

9- Qareen Burhaan Sh Nuur Xussen.

10- Cabdulkhaadir Mohamed Sheekh oo ahaa Agaasimihii hore ee Wasaraddii Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Dowladda Somalia.

11- Garsore: Xussen Sacid Xassan Balaleti.

12- Engineer Maxamud Maxamed Jamiil “Baaldooro”  oo ahaa Farsama-yaqaan caan ahaa oo ka hawl-geli jirey Idaacadda Radio Mogadisho.

Dhinaca kale, Caaqilka Guud ee Eritrean-ka ku nool gudaha Somalia waxa uu carrabka ku dhuftay in Mas’uuliyiintii ka soo jeeday Eritrea ee xiligaasi xilalka ka soo qabtay Somalia ay intaa ka sii badan yihiin, isla markaana ay jiraan kuwo kale oo si weyn loogu ammaanay Xilalkii ay ka hayeen Talisyadda Ciiddamadda iyo kuwa Rayidka ee Dowlaihii soo maray dalka Somalia.Ugu dambeyntii, Nabadoonka Guud ee Jaalliyadda Eritrean-ka ku nool Somalia, Caaqil Fikaak Cali Cumar waxa uu saluug ka muujiyey inaysan Dowladda Federalka iyo kuwii ka horreeyey aysan Tixgelin weyn siinin dadka asal ahaan ka soo jeeda Eritrea, kuwaasi oo dadka Soomaalida la soo wadaagay Halgankii Gobanimadoonka, Difaaca dalka iyo inay la qeybsadaan Dhib iyo Dheef,

“DFS waxay u muuqataa mid xaqirayso Xuquuqda ay dadka Eritrean-ka ku nool gudaha Somalia ku lahaayeen, taasina ay u muuqato gef aan garowshiyo lahayn” ayuu yiri Caaqilka.

Waxa uu DFS ka dalbaday inay Eriterian-ka Soomaaliyoobay saamigooda ka heleen Xuquuqda Xilalka Dowladeed, sida Kuraasta Barlamaanka, Wasiir-ku-xigeenno, Xilalka Milliteri iyo Safaarado.si kastaba ha ahaatee, Caaqilka waxa uu is-weydiiyey sbaabaha ay DFS u hagranayso dadka Eritreanka e Ab-ka-ab ku noolaa gudaha Somalia, iyadoo la og yahay in Jaalliyadaha kale ee ku nool Somalia qeyb ka heleen Xilalka DFS, gaar ahaan xubnaha Xildhibaanadda Federalka, kuwa Maamul-gobaleedyadda iyo Xilalka kale ee XFS, oo ay ku jiraan Wasiir-ku-xigeenno,  Agaasimayaal Guud, Taliyayaal iyo Danjireyaal.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts