HomeCaalamka(SAWIRO): RW Abiy Ahmed: “Muslimiinta ku nool dalalka Khaliijka aad bay uga...

(SAWIRO): RW Abiy Ahmed: “Muslimiinta ku nool dalalka Khaliijka aad bay uga tiro yar yihiin Muslimiinta ku nool Ethiopia”.

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Amiirka leh Dhaxaltooyadda Imaaradda Abu Dubai ee dalka Isutagga Midoobay ee Imaaraadka, Maxamed Bin Zaayid Bin Sultan Al-nahyaani waxa uu xaallad xannuun badan kala kulmay  RW Ethiopia, Abiy Ahmed Ali, kadib, markii uu ka codsaday inuu taageero ka geysto sidii Machad Islaami ah looga dhisi laaha magaalladda Addis Abeba.

Abiy Ahmed waxa uu hadalkaasi ku sheegay mar uu Kulan Furan uu Jaalliyadda Ethiopian-ka ku nool MaraykanKA kula yeeshay Xarunta Ururka Badar ee Ethiopia oo ku yaalla magaalladda Virginia ee dalKaasi.

- Advertisement -

Dhaqdhaqaaq-yahan Ethiopian oo ka qeyb galay Kulankaasi.ayaa la sheegay inuu dhacdadaasi u gudbiyey Shabakadda Wararka ee Al-khaleej Online.

RW Abiy Ahmed oo ka hadlayey Wada-sheekeysigii uu la yeeshay Maxamed Bin Zaayid waxa uu wax ka weydiiyey Dhismaha Machadka Islaamka.

“Maxaad idinka (Imaaraad) ahaan nagu taageeri kartaan ?” ayuu Abiy Ahmed weydiiyey Dhaxal-sugaha Amiirka Abu Dhabi, oo isagana ku jawaabay: “Waxaa idinka taageeri doonaa wax kasta, waana idin bari donaa”.

- Advertisement -

Abiy Ahmed waxa uu joojiyey Dhaxal-sugaha, kadibna sii weydiiyey: “Annaga kaa dooni mayno inaad Annaga na barto Islaamka ee aad Adiga lumisay?. Wxaan kaa doonaynaa Adiga inaad sida ugu dhaqsaha badan noo barto Luqadda Craabiga, si aan awood ugu yeeshanao inaan fahamno Islaamka Saxda ah, kadibna aan dib kuugula soo laabano”.

RW Ethiopia waxa uu sii raaciyey: “Waxaan u sheegay isaga, haddii aan helno dhamaan tirada guud ee dadka ku nool Gacanka Carbeed, waxaan heli doonaa inay aad uga tiro yar yihiin  tirada Muslimiinta ku nool gudaha Ethiopia.

Dhaxal-sugaha Amiirka Imaarada Abu Dubai, Maxamed Bin Zaayid waxa uu RW Ethiopia weydiiyey: “Maxaad uga hadlaysaa tiradaasi?”.

RW Abiy Ahmed waxa uu tilmaamay inuu ugu jawaabay sidatan: “Waayo Islaamku waxa  uu aqoonsan yahay in badnaanshaha tahay isha Awoodda ama Xoogga”.

Hadalka RW Ethiopia waxa uu aad u sii ifiyey barta Twitter-ka ee Carabta iyo Ethiopia ee @AR_Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Ethiopia ka hor timaado hadallo ka soo baxay Dhaxal-sugaha Amiirka ee Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.

Bartamihii bishan July, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia waxay beeniyeen  sheegashadda Imaaraadka ee ahaa inay door Dhexdhexaadin ka qaateen xalinta Khilaafkii Ethiopia iyo Eritrea ee lagu soo af-jaray Colaadii u dhexeeyey 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Meles Alem waxa uu sheegay in Heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea uu ku jiro Danaha Labada Waddan, mana jirin dhexdhexaadin ka timid dhinac 3-aad oo ku lug lahaa Heshiiskaasi.

WQ: Ustaad Nuradin

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories