HomeCaalamka13 qof oo uu ku jiray Nin Aroos ahaa oo ku geeriyootay...

13 qof oo uu ku jiray Nin Aroos ahaa oo ku geeriyootay shil ka dhacay dalka Fiyetnaam.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wargeyska VnExpress ee ka soo baxa dalkaasi waxa uu maanta qoray in shilkaasi oo saakayto ka dhacay Bartamaha dalkaasi ay ku geeriyoodeen 13 qof oo uu ku jiray Nin Aroos ah iyo qaraabadiisa, halka ay 4 kalena ku dhaawacmeen. Gaari Bas oo ay la socdeen Caruuska iyo qaar ka mid ah Qoyskiisa ayaa waxa uu ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska VnExpress ee ka soo baxa dalkaasi waxa uu maanta qoray in shilkaasi oo saakayto ka dhacay Bartamaha dalkaasi ay ku geeriyoodeen 13 qof oo uu ku jiray Nin Aroos ah iyo qaraabadiisa, halka ay 4 kalena ku dhaawacmeen.

Gaari Bas oo ay la socdeen Caruuska iyo qaar ka mid ah Qoyskiisa ayaa waxa uu ku dhacay Gaari Xamuul, taasi oo keentay dhimasho badan oo soo gaartay dadkii la socday Baska.

- Advertisement -

Dareewalkii waday gaariga Xamuulka waxaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus.

Caruuska ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Hoyga Haweeneyda uu guursan lahaa, si uu ugu soo qaado Hoygii Aqal-galkooda.

- Advertisement -

Ma kala cadda waxa sababay shilkaasi, waxayna Boliska ku hawlan yihiin Baaritaanka Shilkaasi.

Dalka Fiyetnaam waxaa la sheegaa inay ku badan yihiin shilalka gaadiidka, iyadoo ay in ka badan 8,200 oo qof ay sannad kasta ku geeriyodaan shilalka ka dhaca dalkaasi, sida ay sheegtay Hay’adda Qaranka ee Ammaanka Waddooyinka ee dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts