HomeCaalamkaSaraakiil ka tirsan CID-da oo loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee magaalladda Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan CID-da oo loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee magaalladda Muqdisho.

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Warar lagu kalsoon yahay oo Dalsan Radio heshay ayaa waxa u uxaqiijinayaa in 2 Sarkaal oo ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Boliska ee CID-da maanta loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, kadib, markii uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir amray in la soo xiro Saraakiishaasi.

Saraakiisha la soo xiray oo lagu kala magacaabo Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxaan C/xakiim Mursal ayaa loo haystaa inay sifo qaldan u xireen Agaasimaha  Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee DFS, Daahir Maxamed Nuur, kaasi oo ay gurigiisa kala baxeen Abaarihii 12-kii habeenimo ee saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay.

- Advertisement -

Xariga Agaasime Daahir ayaa waxaa la sheegay inuusan ahayn mid waafqsan Sharciga, sida ay caddeeyeen Sharci-yaqaanadda.

Dhinaca kale, Xariga Labadaasi Sarkaal ee ka tirsan Hay’adda CID-da ayaa yimid, kaadib, markii uu Gudoomiyaha Maxkmadda G/Banadir Muuse Maxamed saakayto si hordhac ah u dhagaystay dacwada Agaasimaha  wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Daahir Maxamed Nuur oo habeenkii khamiistii ciidamo boolis ah ay ka soo qabteen xaafadiisa 12:00 Habeenimo.

Saraakiisha waxaa la sheegay ineysan dariiq sax ah u marin xariga agaasimaha iyo ineysan heysan warqad amar soo qabasho iyo sido kale cadeymaha eeda oo aan cadeyn

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories