HomeCaalamka(LA-YAABKA + SAWIRO): Gabar leh gacmo dheeraad iyo faro ka soo lalmada...

(LA-YAABKA + SAWIRO): Gabar leh gacmo dheeraad iyo faro ka soo lalmada Caloosheeda oo qaliin lagu samaynayo.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Gabar u dhalatay dalka Filibiin ayaa la filayaa in Qaliin lagu sameeyey, si looga jaro 2 gacan oo dheeraad ah iyo faro ka lalmanaya Caloosheeda. Veronica Cominguez oo 14-jir ah waxay ku nooshahay magaalladda Iligan  ee dalka Filibiin, waana Arday dhigata Dugsi. Macallinkeeda iyo dadka la deggan magaalladda ayana iska ururiyey Kharajka Qaliinka ee gabdhahaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gabar u dhalatay dalka Filibiin ayaa la filayaa in Qaliin lagu sameeyey, si looga jaro 2 gacan oo dheeraad ah iyo faro ka lalmanaya Caloosheeda.

Veronica Cominguez oo 14-jir ah waxay ku nooshahay magaalladda Iligan  ee dalka Filibiin, waana Arday dhigata Dugsi.

- Advertisement -

Macallinkeeda iyo dadka la deggan magaalladda ayana iska ururiyey Kharajka Qaliinka ee gabdhahaasi looga jarayo xubnaha dheeraadka ah.

Koox Dhakhaatiir ka hawl-gasha Isbitaal ku yaalla dalka Thailand ayaana ballan qaaday inay gabdhaasi ku samayn doonaan Adeeg Qaliin iyo Daryeel Caafimaad leh.

- Advertisement -

Veronica Cominguez waxay ku dhalatay Labo Gacan, balse waxay labo kale u muuqdaan kuwo ku koray Laabteeda iyo Caloosheedfa, waxaana loo maleeyaa in ilmo kale oo mataano la ahaa ay ku dhex koreen Oogadeeda Sare.

Wxaay had iyo jeer nadiifisaa oo ay jartaa ciddiyaha faraha kaga abuurmay Laabta.

Veronica Cominguez waxay rajeynaysaa inay u noolaado si caadi ah, marka qaliinka lagu sameeyo, lagana soo jaro Addimaha dheeraadka ku ah.

Dadka Deegaanka ayaana ururiyey Kharajkii ay ugu dhoofi lahayd dalka Thailand, si loogu soo sameeyo Qaliin.

Veronica Cominguez waxay tilmaamtay inay culays ka dareento xubnaha dheeraad ku ah jirkeeda, waxayna mararka qaarkooda xadeeyaan Dhaqdhaqaaqeeda.

Mar wax laga weydiiyey xaalladeeda waxay tiri: “Markii aan yaraa, waxaan u malayn jirey inay cag (cirib) tahay waxaasi, balse, markii ay kortay waxay noqdeen kuwii sii weynaaday, waxay noqdeen kuwo u ruxma sida Wiifowga oo kale”.

Waxay intaasi ku sii dartay inay dharkeeda mararka qaarkood ay qoyaan noqdaan

Veronica Cominguez hooyadeeda oo lagu magacaabo Flora Cominguez waxay tilmaamtay inay Qoyskooda taariikh ahaan isir u leeyihiin Mataanayaal.

Hooyadda waxay kaloo xustay inaysan si caadi ah Dhakhtar u arki jirin markii ay lahayd Uurka Gabadheeda, balse ay rajeyn jirtey inay Mataanayaal dhali doonto.

Balse, nasiib-xumo, ilmihii Mataanaha la ahaa Veronica si buuxda uma korin, balse loo malaynayo inuu la fal galay oo uu caloosheeda qeyb ahaan ku dhex korayo.

Hooyadda waxay sheegtay in mararka qaarkood uu Veronica Cominguez ka yimaado dareere ur xun leh sidii qashinka Aadanaha oo kale.

Dhakhtarka qaliinka ku samayn doono gabadhaasi waxa uu sheegay in gacmaha dheeraadka ku ah looga jari doono iyadoo loo marayo Qaliin Fudud.

Dr. Beda Espineda oo ah Dhakhtar Qaliinka ee Carruurta, kana hawl-gala Xarunta Daaweynta Carruurta (The Philippine Children’s Medical Center) waxa uu tilmaamay in inta badan xaalladahaasi oo kale la saari karo, waayo sida caadiga ah xubnaha jirka ee dheeraadka ah aad muhiim uma aha.

WQ: Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts