HomeCaalamka(LA-YAABKA + SAWIRO): Gabar leh gacmo dheeraad iyo faro ka soo lalmada...

(LA-YAABKA + SAWIRO): Gabar leh gacmo dheeraad iyo faro ka soo lalmada Caloosheeda oo qaliin lagu samaynayo.

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Gabar u dhalatay dalka Filibiin ayaa la filayaa in Qaliin lagu sameeyey, si looga jaro 2 gacan oo dheeraad ah iyo faro ka lalmanaya Caloosheeda. Veronica Cominguez oo 14-jir ah waxay ku nooshahay magaalladda Iligan  ee dalka Filibiin, waana Arday dhigata Dugsi. Macallinkeeda iyo dadka la deggan magaalladda ayana iska ururiyey Kharajka Qaliinka ee gabdhahaasi […]

- Advertisement -

Gabar u dhalatay dalka Filibiin ayaa la filayaa in Qaliin lagu sameeyey, si looga jaro 2 gacan oo dheeraad ah iyo faro ka lalmanaya Caloosheeda.

Veronica Cominguez oo 14-jir ah waxay ku nooshahay magaalladda Iligan  ee dalka Filibiin, waana Arday dhigata Dugsi.

- Advertisement -

Macallinkeeda iyo dadka la deggan magaalladda ayana iska ururiyey Kharajka Qaliinka ee gabdhahaasi looga jarayo xubnaha dheeraadka ah.

Koox Dhakhaatiir ka hawl-gasha Isbitaal ku yaalla dalka Thailand ayaana ballan qaaday inay gabdhaasi ku samayn doonaan Adeeg Qaliin iyo Daryeel Caafimaad leh.

- Advertisement -

Veronica Cominguez waxay ku dhalatay Labo Gacan, balse waxay labo kale u muuqdaan kuwo ku koray Laabteeda iyo Caloosheedfa, waxaana loo maleeyaa in ilmo kale oo mataano la ahaa ay ku dhex koreen Oogadeeda Sare.

Wxaay had iyo jeer nadiifisaa oo ay jartaa ciddiyaha faraha kaga abuurmay Laabta.

Veronica Cominguez waxay rajeynaysaa inay u noolaado si caadi ah, marka qaliinka lagu sameeyo, lagana soo jaro Addimaha dheeraadka ku ah.

Dadka Deegaanka ayaana ururiyey Kharajkii ay ugu dhoofi lahayd dalka Thailand, si loogu soo sameeyo Qaliin.

Veronica Cominguez waxay tilmaamtay inay culays ka dareento xubnaha dheeraad ku ah jirkeeda, waxayna mararka qaarkooda xadeeyaan Dhaqdhaqaaqeeda.

Mar wax laga weydiiyey xaalladeeda waxay tiri: “Markii aan yaraa, waxaan u malayn jirey inay cag (cirib) tahay waxaasi, balse, markii ay kortay waxay noqdeen kuwii sii weynaaday, waxay noqdeen kuwo u ruxma sida Wiifowga oo kale”.

Waxay intaasi ku sii dartay inay dharkeeda mararka qaarkood ay qoyaan noqdaan

Veronica Cominguez hooyadeeda oo lagu magacaabo Flora Cominguez waxay tilmaamtay inay Qoyskooda taariikh ahaan isir u leeyihiin Mataanayaal.

Hooyadda waxay kaloo xustay inaysan si caadi ah Dhakhtar u arki jirin markii ay lahayd Uurka Gabadheeda, balse ay rajeyn jirtey inay Mataanayaal dhali doonto.

Balse, nasiib-xumo, ilmihii Mataanaha la ahaa Veronica si buuxda uma korin, balse loo malaynayo inuu la fal galay oo uu caloosheeda qeyb ahaan ku dhex korayo.

Hooyadda waxay sheegtay in mararka qaarkood uu Veronica Cominguez ka yimaado dareere ur xun leh sidii qashinka Aadanaha oo kale.

Dhakhtarka qaliinka ku samayn doono gabadhaasi waxa uu sheegay in gacmaha dheeraadka ku ah looga jari doono iyadoo loo marayo Qaliin Fudud.

Dr. Beda Espineda oo ah Dhakhtar Qaliinka ee Carruurta, kana hawl-gala Xarunta Daaweynta Carruurta (The Philippine Children’s Medical Center) waxa uu tilmaamay in inta badan xaalladahaasi oo kale la saari karo, waayo sida caadiga ah xubnaha jirka ee dheeraadka ah aad muhiim uma aha.

WQ: Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories