HomeCaalamka(LA-YAABKA + MUUQAAL): Bas loogu tala-galay in Masjid ahaan loogu cibaadaysto.

(LA-YAABKA + MUUQAAL): Bas loogu tala-galay in Masjid ahaan loogu cibaadaysto.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Iyadoo ay Japan isku diyarainayso marti-gelinta Ciyaaraha Olombikada ee Xilliga Kulaylaha (Summer Olympics) ee sannadka 2020-ka ayaa waxaa la soo bandhigay Bas ay Muslimiinta ku tukan karaan. Gaariga loogu tala galay Masjid ahaanta ayaa ah mid guurguura (Mobile Mosque), waxaana Gaarigaasi  oo midabkiisa cad iyo Bulug ah muunad ahaan loo soo dhigay duleedka Garoon ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay Japan isku diyarainayso marti-gelinta Ciyaaraha Olombikada ee Xilliga Kulaylaha (Summer Olympics) ee sannadka 2020-ka ayaa waxaa la soo bandhigay Bas ay Muslimiinta ku tukan karaan.

Gaariga loogu tala galay Masjid ahaanta ayaa ah mid guurguura (Mobile Mosque), waxaana Gaarigaasi  oo midabkiisa cad iyo Bulug ah muunad ahaan loo soo dhigay duleedka Garoon ku yaalla Bartamaha dalka Japan.

- Advertisement -

Gaariga ayaa waxaa lagu qoray Hal-ku-dheg ah “Ku soo dhawaada Masjidka guurguura (Welcome to the Mobile Mosque).

Waxa uu leeyahay Barxad lagu tukan karo, Suulli iyo meesha Weysho qaadashada, taasi oo u fududeynaysa qof kasra oo Muslim ah inuu ku dhex tukado Masjidkaasi baska ah ee hadba meel la geyn karo.

Shirkad ku taalla caasimadda dalka Japan ee Tokyo oo u qaabilsan Arrimaha Ciyaaraha iyo Dhaqanka ayaana diyaarisay Masjid taayaro leh, si ay dadka Muslimiinta ee booqanaya dalkaasi dareemaan inay joogaan dalkooda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Fulinta ee Mashruuca Yasue ee farsamaysay Masjidka Guur-guura,Yasuharu Inoue waxa uu sheegay inay suurto-gal tahay in aysan Masaajidda ku filnaan doonin dadka Muslimiinta ee u imaan doona Japan daawashadda Ciyaaraha Olombikada ee sannadka 2020-ka.

Masaajida guur-guura waxay Muslimiinta awooi karaan inay  u safraan Garoomadda Ciyaaraha Olombikadda hadba Garoonka ay door bidaan.

Yasuharu Inoue waxa uu Wareysi uu dhawaan bixiyey ku sheegay inay doonayaan inay dadka Muslimiinta wax ka bartaan Soo-dhaweynta dadka Reer Japan.

“Si Dal furan oo soo dhaweyn leh, waxaan doonaynaa inaan Aragtida soo-dhaweynta Japan la wadaagno dadka Muslimiinta” ayuu yiri Guddoomiyaha Shirkadda diyaarisay Masjidka guur-guura oo markii ugu horreysay bilowgii Isbuucan lagu soo bandhigay meel ka baxsan Garoonka Shirkadda Toyota Stadium, oo xitaa ah Xarumaha Shirka Gaadiidka ee wadata isla magacaasi.

Gaariga laga dhex dhisay goobaha lagu cibaadaysto waxa uu culayskiisu dhan yahay 25 ton. Waxaana la qorsheynayaa in la laban laabo ballaca Gaarigaas.

Gaariga waxaa ku dhex yaalla Qol Masjid oo  dhererkiisu dhan yahay 48 mitir oo isku wareeg ah ama 515 cagood oo isku wareeg ah ah (515-square-foot).

Qolka Masjidka waxaa markiiba Jameeco ahaan ugu tukan kara 50 qof.

Dad Muslim ah oo lagu casuumay waxay ku tukadeen gudaha Masjidka, kaasi oo leh Musqulo bannaanka ah, Waysa-qaadka iyo Suuliga Qubayska iyo midka caadiga.

Si kastaba ha ahaatee,  dalka Japan waxaa ku nool dad Muslimiin ah oo tiradooda lagu qiyaaso 100,000 ilaa 200,000 oo qof.

Halkan ka daawo Muuqaalka Baska Masjidka ee lagu dhex tukanayo: 

W.Q. Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts