HomeCaalamkaMuwaadin Soomaali laga soo masaafurin lahaa Kanada oo dadaal ugu jira inuu...

Muwaadin Soomaali laga soo masaafurin lahaa Kanada oo dadaal ugu jira inuu sii joogo dalkaasi

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Cabdul Cabdi oo isagoo yar tegay dalkaasi ayaa dadaal ugu jira sidii loo laali lahaa Qorshaha Tarxiilkiisa, iyadoo ay Qareenadiisa iyo Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha cadaadis ku hayaan Dowladda Kanada si loo joojiyo Masaafurintaasi. Guddi Garsoor ayaa la sheegay inay dib u eegayaan Kiiskaasi, si ay uga hor yimaadaan Go’aanka ay Dowladda dalkaasi ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cabdul Cabdi oo isagoo yar tegay dalkaasi ayaa dadaal ugu jira sidii loo laali lahaa Qorshaha Tarxiilkiisa, iyadoo ay Qareenadiisa iyo Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha cadaadis ku hayaan Dowladda Kanada si loo joojiyo Masaafurintaasi.

Guddi Garsoor ayaa la sheegay inay dib u eegayaan Kiiskaasi, si ay uga hor yimaadaan Go’aanka ay Dowladda dalkaasi ku doonayso in Cabdul Cabdi loo soo masaafuriyo Somalia.

- Advertisement -

Go’aanka Dowladda ayaa la sheegay inuusan lahayn sabab cad, isla markanaa uu yahay mid aan caddaalad ku dhisnayn, kana hor imaanayo Cutubka Xuquuqaha iyo Xooriyadda iyo Sharciga Caalamiga.

Hay’adda Adeegga Xuduudaha ee dalkaasi (CBSA) ayaa soo xirtay Muwaadinka Soomaaliga ee Cabdul Cabdi, isagoo muddo 5 sanno ah xirnaa, isla markaana aan marnaba la siinin Muwaadinimadda dalka Kanada ( Canadian citizenship).

Qareenkiisa oo lagu magacaabo Benjamin Perryman, waxa u usheegay inuusan Macaamilkiisa so xaadiri Karin dhegeysiga Maxkamadda.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Ururka Xorriyadda Madaniga ee dalkaasi iyo Ururka Caddaaladda Carruurta iyo Dhallinyarada oggolaadeen inay soo farageliyaan Kiiska Cabdul Cabdi oo 25-jir ah.

Qareenka waxa kale oo uu tilmaamay inay Saraakiisha Socdaalka caqabad ku noqotay sheegashadooda, isla markaana aysan haysanin qaab kale oo aan ahayn inay Cabdul Cabdi dib ugu celiyaan Somalia.

Dhinaca kale, Melissa Grant oo ah Qareen Federal oo wakiil u ah Wasiirka Ammaanka Shacabka ee dalkaasi in Go’aanka Hay’adda Adeegga Xuduudaha ee dalkaasi (CBSA) ee masaafurinta Cabdul Cabdi uusan wax u dhimi doonin Dib-u-eegista Garsoorka ee Kiiskiisa.

 

Qareenkaasi waxa uu u sheegay Garsoorad heer Federal oo lagu magacaabo Ann Marie McDonald in Codsigaasi yahay mid lagu tijaabinayo sidii uu Cabul Cabdi ku heli lahaa ballanqaadka Muwaadinimadda Kanada.

Cabdul Cabdi oo ku dhashay Sacuudiga sannadkii 1993-kii, waxa ay Hooyadiisa ku kala lumen Xer Qaxooti isagoo 4 jir ah, wuxuuna Kanada la yimid Walaashiisa iyo Eedooyinkiisa isagoo 6-jir ah.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts