HomeCaalamkaGuddoomiyaha Bankiga Dhexe oo shaaciyey nooca lacagaha loo soo daabacayo Soomaaliya

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo shaaciyey nooca lacagaha loo soo daabacayo Soomaaliya

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa ka warbixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ee dalka loo soo daabacayo iyo hawlaha lagu horumarinayo Bankiga dhexe ee dalka. Ugu horeyn guddoomiyaha, ayaa sheegay in Lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan, […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa ka warbixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ee dalka loo soo daabacayo iyo hawlaha lagu horumarinayo Bankiga dhexe ee dalka.

Ugu horeyn guddoomiyaha, ayaa sheegay in Lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan, isaggoo tilmaamay in lacacagtaasi ay tahay mid ay adag tahay in Copy laga sameeyo oo lagu been abuurto.

- Advertisement -

“Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kale ah  1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee lasoo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar  5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo  Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa dhanka kale sheegay in muddadii dib loo howl galiyey Bankiga dhexe ay kasoo wareegtay Toban sano, ayna muddaasi u qabsoontay waxyaabo badan oo horumar ah, isaggoo carabaabay in hadda ay ku guda jiraan Casriyeenta habka shaqo ee Bankiga, si shaqada loo sii dardar geliyo.

Latest stories