HomeCaalamka(MUUQAAL): Falastiiniyiinta oo Abiteey ololaysa ku gubay Beero ku yaalla Yuhuudda.

(MUUQAAL): Falastiiniyiinta oo Abiteey ololaysa ku gubay Beero ku yaalla Yuhuudda.

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Kadib, sannado badan oo ay dadka Reer Falastiin dhagxaan kula dagaalami jireen Askarta caddowga Yuhuudda  ayaa waxay haatan bilaabeen xeellado cusub oo ay kula dagaalamaan Askarta Yuhuudda. Dagaalamayaasha Reer Falastiin waxay hindiseen inay samaystaan Madaafiic ay ku weerari karaan dhulka Yuhuudda, waxayna taasi cabsi ku beertay dadka Yuhuudda ee la dejiyey dhulalka Falastiin. Sidoo kale, […]

- Advertisement -

Kadib, sannado badan oo ay dadka Reer Falastiin dhagxaan kula dagaalami jireen Askarta caddowga Yuhuudda  ayaa waxay haatan bilaabeen xeellado cusub oo ay kula dagaalamaan Askarta Yuhuudda.

Dagaalamayaasha Reer Falastiin waxay hindiseen inay samaystaan Madaafiic ay ku weerari karaan dhulka Yuhuudda, waxayna taasi cabsi ku beertay dadka Yuhuudda ee la dejiyey dhulalka Falastiin.

- Advertisement -

Sidoo kale, Dhallinyaradda Reer Falastiin waxay waayadan dambe bilaabeen inay Abtiyeyda ay carruurta hawada u diraan u adeegsadaan sidii Hub oo kale, waxayna Abiteyda ku xiraan dhalooyin ololaya, suuf iyo isbuunyo iyo dhalooyin ay Baasiin ka buuxiyeen, kadibna ay u sii daayaan dhinaca dhulka Yuhuudda.

Maalmihii la soo dhaafay, waxay Askarta Yuhuudda soo weriyeen dhowr dhacdo oo ay Falastiiniyiinta waxyeello ku geysteen Deegaanadda ay dadka Yuhuudda deggan yihiin.

Saraakiisha Milliteriga Yuhuudda waxay sheegeen inay ka fekerayaan sidii loo samayn lahaa Diyaarado Drones oo looga hortago Aabiteyda iyo Baallooniska ololaya ee ay Falastiiniyiinta la soo beegsadaan dadka Yuhuudda ee xoogga lagu dejiyey dhulalka la-haysto ee  Reer Falastiin.

- Advertisement -

Oday  Yuhuudi ah oo ka mid ah Beeraleyda deggan Deegaanka  Kibbutz Nir Am waxa uu sheegay inay dhibaato ku qabaan Abiteyda ololaysa ee ay Falastiiniyiinta hawada soo mariyaan,

Odaygaasi oo lagu magacaabo Itzik Ebbo, oo 78-jir ah waxa uu Suxufiyiinta u sheegay inay waxyeello soo gaareen Abuurki ku beernaa beerahooda, isla markaana ay jiraan dhul-kaymeed badaan oo lala beegsaday Abiteyda ololaysa ee ay dadka Falastiin ugu dagaalamaan sidii Diyaaradaha Dagaalka.

Maamulayaasha Yuhuudda waxay qireen inay Aabtiyeda Falastiiniyiin sababeen inay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay dhacaan in ka badan 450 dab, iyadoo uu dab qabsaday dhul-beereed cabirkiisu dhan yahay 2,800 Hektaris iyo khasaaro dhan 2 million oo Dollar.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories