HomeCaalamkaMuwaadin Somaali-Maraykan lagu soo oogay inuu feeray Siyaasi Kenyan ah

Muwaadin Somaali-Maraykan lagu soo oogay inuu feeray Siyaasi Kenyan ah

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Jamaal Maxamed ayaa lagu soo oogay inuu Siyaasiga Xuseen Maxamed oo ka soo jeeda Koonfurta Wajeer ee W/bari Kenya ku feeray duleedka Masjid ku yaalla Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalladda Nairobi Waxaa kaloo lagu soo oogay inuu Kenya ku joogay si sharci-darro ah iyo inuu dhibanaha dhaawacyo culus ugu geystay dagaalkaasi  oo bishii September 17-dii […]

- Advertisement -

Jamaal Maxamed ayaa lagu soo oogay inuu Siyaasiga Xuseen Maxamed oo ka soo jeeda Koonfurta Wajeer ee W/bari Kenya ku feeray duleedka Masjid ku yaalla Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalladda Nairobi

Waxaa kaloo lagu soo oogay inuu Kenya ku joogay si sharci-darro ah iyo inuu dhibanaha dhaawacyo culus ugu geystay dagaalkaasi  oo bishii September 17-dii ee sannadkii hore  ka dhacay Xafaadda Eastleigh ee Nairobi, gaar ahaan Jidka 7-aad ee Xaafadda Kamukunji.

- Advertisement -

Eedeysanaha waxa uu ka codsaday Garsooraha Maxkamadda Milamani Law Court ee Nairobi, Eunice Kimaiyo  in la sii daayo, si uu ugu dhoofo dalka Britain, wuxuuna ku dooday inay isaga iyo xaaskiisa oo ku nool Britain la ballansan yihiin dhakhtar bishan June 21-da, si ay Xaaskiisa uur u yeelato.

Dacwad-oogayaasha waxay ku gacan sayreen Codsiga Eedeysanaha, iyagoo sheegay inuu Eedeysanaha yahay Ajnabi iyo inuu Khatar ugu jiro inuu dhoofo.

Waxay kaloo sheegeen inuusan Eedeysanaha hor keenin Maxkamadda  wax Dukumentiyo muujinaya sababaha caafimaad ee uu ugu dhoofayo dalka Britain.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dhibanaha Xuseen Maxamed oo dhaawac culus ka qabay lugta bidix waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuu Eedeysanaha doonayo inuu Waqti ka lumiyo Maxkamadda iyo inuu si qarsoodi ah kaga dhoofo  Kenya, balse Garsooraha Maxkamadda waxa uu amray in Eedeysanaha la siiyo Baasaboorkiisa Maraykanka si uu ugu dhoofo  Britain.

Maxkamadda Milamani Law Court waxay Eedeysanaha Somali-Maraykanka ee Jamaal Maxamed u oggolaatay inuu u dhoofo dalka Britain, kadib, markii uu bixiyey Damaanad Lcageed oo dhan 300,000 oo Shillinka Kenya, waxaana dacwadiisa dib la dhegeysan doonaa bishan June 28-da.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories